Madaxweyne Biixi Oo Booqday Goobaha Cashuuraha Ka Caagan Ee Djibouti
Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayay oo maalintii labaad ku guda jira hawlihii ay u tageen dalka Djibouti, ayaa maanta oo Arbaca ah booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan ee dekedda Djibouti (Freezone)
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo lagu xusay in Madaxweyne Biixi iyo wefdigiisa lagu soo wareejiyey dhismaha Freezone-ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado.
Sidoo kale weftiga Madaxweynuha Somaliland, ayaa booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta.
Ugu danbayntiina waxa Madaxweynaha iyo weftigiisu booqdeen deegaanka Weeca oo u dhaw Carta, waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali).
waxaana kormeerkaa ku weheliyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa oo shalay gaadhay dalka Djibouti, waxa qasriga madaxtooyada Djibouti ku qaabiley Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay wada yeesheen kulan saacado qaata, sida lagu sheegay qoraal xalay kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo aan lagu xusin waxyaabaha kulankaa saacadaha qaatay lagaga wada hadlay.
Sidoo kale qoraalka, ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo dhigiisa Djibouti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ay si wada jira markii ay dhammaadeen kulamada oo ahaa kuwo albaababada loo xidhay u sheegeen in laga wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga wada shaqayneed ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Djibouti oo ay ku tilmaameen mid tusaale wanaagsan u noqon kara mandaqada geeska afrika.
Qoraalka laguma sheegin waxayaabaha rasmiga ah ee lagaga wada hadlay kulamadaa dhexmaray wefdiga Madaxweynaha iyo masuuliyiinta xukuumadda Djibouti.