X
    Categories: Warar

kulamadii U Horeeyay Ee Madaxweynaha Cusub La Yeeshay Madaxweynihii Hore Iyo Masuuliyiinta Shisheeye

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)-Hoggaamiyaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Qaar Ka mid ah saraakiisha shisheeye ee ku Sugan xiligan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa huteelka uu deganyahay ee Jaziira kula Kulmay maanta Masuuliyiinta Ka socitay dowaldaha shiheeye Iyo saraakiil Isugu Jura kuwo Ethiopian ah iyo kuwa caddaan ah.

Jeneraal Gabre oo ah madaxa sirdoonka Ethiopia ee Soomaaliya iyo Ergayga Qarmada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa kamid ahaa madaxda Farmaajo ku qaabilay Muqdisho.

Sidoo kale Farmaajo wuxuu la kulmay safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo aan la Ogayn Arrimaha lagaga Hadlay kulamadaa.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo, waxaa Saaka subaxnimadii ku martiqaaday Madaxtooyadda Villa Somalia Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud Oo aan weli xilka ku wareegin, waxayna Madaxweynihii hore Iyo Madaxweynaha cusub yeesheen Markaa Kaddib Kulan albaabada loo xidhay,kaas Oo aan la Ogayn Arrimaha lagaga Hadlay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post