X
    Categories: Warar

Ku Dhowaad Labaataneeyo Al-shabaab Oo Qarax Ay Qorshaynayeen Ku Nafwaayay

Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Ilaa 17 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, ayaa ku dhintay qarax ka dhashay baabuur miinaysan oo ay wateen maalintii Jimcaha.
War qoraal ah oo ka soo baxay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa lagu sheegay in xubnaha ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ku dhinteen qarax ku xidhnaa gaadhi ay wateen oo marayey meel qiyaastii 23km u jirta degaanka Biyo-cadde, Gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya.
“17 xubnood oo Al-shabaab ah ayaa naftooda ku waayey walxaha qarxa oo u saarnaa gaadhi ay wateen gelinkii maalintii Jimcaha,” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo lagu baahiyey mareegta Twitter-ka ee ciidammada AMISOM.
Hase ahaatee, AMISOM fahfaahin dheeraad ah kama bixin halka uu ku wajahnaa baabuurka miinaysan ee ku qarxay dagaalyahannada Al-shabaab ee saarnaa oo tiradoodu ahayd 17 xubnood, isla markaana dhammaantood ku dhinreen qaraxaas.
Kooxda Al shabaab ayaan dhankooda ilaa hadda ka hadal qaraxa ciidanka AMISOM sheegeen in dagaalyahanno badan kaga dhinteen duleedka degaanka Biyo-cadde.
Dhanka kale, taliska AMISOM ayaa ka dalbay shacabka waddanka Soomaaliya ee dagaalladu aafeeyeen inay sii wadaan la-shaqeynta ciidammada ammaanka si looga hortago weerarrada Al-shabaab, loona nabadeyn lahaa dalkooda oo idil.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post