X
    Categories: Warar

Korodhka Xannuunka Coronavirus Ee Somaliland Iyo Kisaaska Cusub Oo Ay Ku Jiraan Dad Ajaanib Ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Hargeysa 17 May 2020, Araweelo News Network.


Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa soo bandhigtay korodhka laga helay Xannuunka Covid-19 oo muddooyinkii u dambeeyey fara-baas ku haya shacabka Somaliland, isla markaana galaaftay nolosha inta la ogyahay 8 qof.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Abdi Xergeeye, oo warbixinta maalinlaha ah ee xanuunka Warbaahinta siiyay maanta, ayaa sheegay inay tiradii hore kusoo kordheen 16 Qof, kuwaas oo uu ka mid yahay hal qof oo u dhashay Ethiopia, 15-ka kalena wuxuu sheegay in ay yihiin muwaadiniin u dhashay Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, wuuxuu sheegay in 16 qof ee soo kordhay ka dhigayaan dhigayaan tirada guud 103 qof, guud ahaan Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, wuxuu faaf-faahin ka bixiyay da’ada dadka laga helay xannuunka, wuxuuna xusay in tirada sii kordhaysaa muujinay in cuddurku ku faafayo Bulshada, sidaa darteed loo baahanyahay in lays ilaaliyo oo la raaco talooyinka Wasaaradda Caafimaadka iyo guddida.

Halkan ka Daawo Warbixinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post