Qoraal la xidhiidha kormeerka Madaxweynaha ee Berbera, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynuhu waxa uu ugu horayn soo kormeeray dekeda berbera oo ay ka socoto hawl baaxad leh oo sidii caadada u ahayd ay ku balaadhinayaan maalmulka dekedu.
waxaanay noqonaysa markii labaad ee uu madaxweynuhu ka soo qaybgalo balaadhinta dekeda oo sidan oo kale ay hawli uga socoto iyada oo aynu xasuusanahay in maalintan maalinteedii oo ahayd bishii hore 24/01/2015 uu madaxweynuhu ka qaybgalay xaflad aad u balaadhan oo loo qabtay wejigii koowaad ee balaadhinta barxada weyn ee dekeda, nasiib wanaagse uu maanta oo taariikhdu tahay 24/02/2015 kuna beegan maalinta maalinteedii uu kormeer ku soo maro madaxweynuhu.
Madaxweynuhuna waxa uu uga mahadnaqay Maamulka dekeda ee uu hogaaminaayo Maareeye Cali Xoorxoor iyo shaqaalaha ku hawlan shaqan sida fiican ee wadaniyadu ku dheehan tahay ee ay uga qaybqaateen wejigii labaad ee barxadan lagu balaadhinaayo, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyeeyey, muwaadiniintaasi sida qiimaha leh ee ay shacbiga u tuseen inay waxqabsan karaan hadii la isu tago.
Mashaariicda Dawlada Hoose iyo dhagax dhiga wasaarada Deegaanka
Madaxweynuhuna waxa uu ku hambalyeeyey maamulka dawlada hoose iyo duqa berberaba, sida qiimaha badan ee qadarinta iyo halkarnimadu ku dheehan tahay ee ay isaga xilsaareen ugana gaadhsiiyeen in xadhiga laga jaro bil gudeheed waddo intaasi leeg oo aynu qiimeheeda wada garanayno.
ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu dhagax-dhigay dhisamaha wasaaradda Deegaanku ku yeelan doonto gobolka saaxil, waxaana si wada jira u dhagax dhigay wasiirka deegaanka marwo shukri Bandarre iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.
ALLAA MAHED LEH
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews