Hàrgeysa(ANN)Kooxda Xiddigaha Geeska ee xabsiga loo taxaabay,ayaa lasoo Taagay Maxkamadda gobolka Hàrgeysa maanta. Kadib markii todobaadkan laga qabtay Madaarka, iyagoo kasoo laabtay dhinaca magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kusoo dhigeen bandhig fanneed.
Afàrta Fannaan ee Kooxda Xiddigaha, àyaa Maxkamaddu dhegeystay eedaha loo haysto, wuxuuna qareenka difaàcayay màxkmadda horteeda ka sheegay in qabshada fànnaaniinta aan loo màrin nidaamka iyo qaanuunka shàrciga dàlka. sidaa awgeed la waafajiyo sharciga.
Xeer ilaalinta ayaa ku eedaysay inay Kooxda Fànnaaniinta ah ka qayb galeen barnaamij lid ku ah qaranimnada Somaliland mudadii ay ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho, waxayna Maxkaamdda horteeda keentay muuqaalo ay ku sheegeen inay cadaymo u yihiin eedaha loo haysto Afàrta Fannaan ee Xiddigaha Geeska, kuwàas oo dacwadooda dib loogu mudeeyay mar kale, iyadoo muddo todobaad ah xabsiga lagu sii haynayo ilaa Maxkamaddu go’aan ka saaray dacwada loo haysto.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380