X

Kooxda Sheegata Mumeteliinta Somaliland Ee Ku Sugan Soomaaliya Oo Gudbiyay Liiska Murrasahxiinta Aqalka Sare

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Kooxda sheegtay mumeteliinta Somaliland ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyay Liiska xubnaha ay isku raaceen ee u metelaya aqalka sare.

Liiska murashaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland), waxa ra’iisal wasaaraha u gudbiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Mr. Rooble ayaa ku tilmaamay soo gudbinta Liiska murashaxiinta Xildhibaanada Aqalka sare ee Somaliland guul taariikhi ah oo laga gaaray dib-u-dhacyadii iyo khilaafkii dhowaan hadheeyay kooxdaa, isagoo xusay in si deg-deg ah loo guda geli doonno doorashadooda.

Sidoo kale, wuxuu  sheegay in doorashooyinka Aqalka sare ee BFS ay ku socdaan si habsami leh, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lagu garab siiyo dhammaan dhinacyada ku howllan doorashada sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon oo ku qabsoonta xiligii lagu heshiiyey.

Liiska kuraasta Aqalka Sare ku matalaya Gobollada Waqooyi oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa ku tartamaya 24-murashax oo isugu jira rag iyo dumar. Iyadoo doorka Ra’iisal Wasaaruhu uu yahay hubinta liiska loo soo gudbiyay, sida ku cad war-murtiyeedkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 22kii August 2021.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post