X
    Categories: Warar

Kooxda Booko Xaraam Oo Xasuuq Ka Geysatay Woqooyi Bari Dalka Nigeria

Araweelo News Network

People walk past burnt out houses following an attack by Boko haram in Dalori village 5 kilometers (3 miles) from Maiduguri, Nigeria , Sunday Jan. 31, 2016. A survivor hidden in a tree says he watched Boko Haram extremists firebomb huts and listened to the screams of children among people burned to death in the latest attack by Nigeria’ s homegrown Islamic extremists. (AP Photo/Jossy Ola)


Dalori(ANN)Kooxda Booko Xaraam ee ka dagaalanta Dalka Nigeria, ayaa weerraro qaraxyo ah oo ay ka fulisay xero ay ku noolyihiin 25, 000 qoys oo qoxooti ka barakacay deegaamada dagaalka u dhexeeya kooxda iyo Ciidanka Nigeria ku dilay in ka badan 86 qof oo isugu jira Caruur iyo Haween.

Dalori oo ah xero qoxooti, ayaa ku taal dhinaca Woqooyi Bari ee dalkaa, waxayna 5 Km u jirtaa goobta weerrarku ka dhacay Magaalada Maiduguri oo xarun u ah Kooxda Booko Xaraam.

Deegaankaa ayaa hore marar badan dagaalo u dhexeeya Ciidanka Dalka Nigeria iyo Kooxda Booko xaraam dhexmaray, waana meelaha inta baddan Booko Xaraam ka fuliso weerrarada iyo qaraxyada, iyadoo tuulada Delori ee u dhaw Maduguri oo ugu weyn Woqooyi Bari dalkaa ka mid tahay meelaha dhibaatooyinka dagaaladu hadheeyeen.

Weerrarka lala beegsaday dadka Caruurta iyo Dumarka u baddan oo ah kuwo haystay Mahdabta Shiicada, ayaa sababtay in tiro intaa ka baddan oo lagu qiyaasay inay kor u dhaafeen 100 qof dhaawacyo soo gaadheen.

Kooxda Booko Xaraam iyo ciidamada Nigeria ayaa ku haradmaya gobolka dhinaca Woqooyi Bari ee dalkaa Maiduguri, iyadoo dagaaladu ku fideen dhanka waqooyiga Kamaroon oo ay Nigeria deris yihiin.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post