Araweelo News Network

dadkabaartakr1Hargeysa(ANN)Koox Kormeer oo uu hogaaminayo wasiir xigeenka Wasaaradda Beeraha Aadan Ibraahim Ashqar oo ay weheliyeen Agaasime waaxeedyadà Wasaaradda Beeraha sida Agaasinka waaxda Qorshaynta Hodan maal, Agaasinka waaxda Cimilada iyo Cunta yarida Abdiqani Yusuf Abd, Agaasinka shaqada iyo shaqaalaha Yasmin Xasan Siciid, ayaa kormeer xogogaal u noqoshada Abaaraha iyo xaalada guud ee shaqaalaha Wasaaradda kusoo maray gobolada gabeedka oo ay xiligan ka jirtay Abaar ba’an.
dadkabaarta1
Kooxdaa, ayaa mudadii ku jireen Kormeerka ay kusoo mareen Deegaamada Salal, AWDAL , Gebilay iyo deegaanka Arabsiyo la kulmay dad baddan oo ka mid ah, kuwa Abaartu saamaysay, kuwaas xoolihii ay lahaayeen galaafatay inta baddan Abaartu, deegaamada fog ee galbeedka Somaliland sida Banka Geerriyaad oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay mudadii ay kormeerka ku jireen kusoo arkeen dad dhibaataysan, kuwaas oo inkasta oo gurmad balaadhan xukuumaddu u fidisay aanay xaaladooda wax baddan iska bedelin oo ay weli jiraan dad kasoo dul dhacayey kuwii hore gurmadka loogu fidiayay oo aad u tabaalaysan.

Mudadii ay ku jireen kormeerka Kooxda ka socotay Wasaaradda Beeraha Somaliland, waxay intii itaalkooda ah ka qayb qaadanayeen gurmadka dadka Abaartu haleeshay ee ku daranyaysan deegaamada ay marayeen ee galbeedka Somaliland, kuwaas oo sida ay sheegeen ay Timir iyo Biyo ku taakulaynayeen, balse xaalada ka jirtay deegamadaa ay ahayd mid argagax leh, iyadoo ay meelaha qaar ku arkeen dadkii oo qaarkood xoolihii kaga dhaqaaqeen Banka Geerriyaad. Kadib markii ay u socon waayeen oo ay lafohooda la carareen dadkii lahaa.
dadkabaartakr7
Sidoo kale waxay Kooxdan la kulantay dad Raashinkii caawimada ee la gaadhsiiyay Xoolaha ku quudinaya. Kadib markii ay Xooluhu waayeen baad iyo Biyo midna.
dhirtiigeedweynkakhudrada
Marka laga yimaado deegaamada dadka xoolo dhaqatada ah ee galbeedka fog ee Somaliland, waxay Kooxdani indhohooda kusoo aragtay dhulka Beeralayda ah oo dhirtii qalaleen, iyagoo tusaale usoo qaatay dhulka Beeraha ee deegaanka duleedka Hargeysa ee Arabsiyo oo ay qalaleen dhirtii waaweynayd ee Beeraha Khudrada caanka ku ahaa.
dadkaabaartakr2