X
    Categories: Warar

Koox Looga Shakiyay Argagixiso Oo Ciidamada Amaanka Somaliland Gacanta Ku Dhigeen

Hargeysa(ANN)Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Koox looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab, kuwaas oo lala xidhiidhiyay qorshayaal ka dhan ah amaanka Somaliland.

Weriye ka tirsan shebekada Araweelo News Network oo safar ku marayay galabta wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera ayaa la kulay kooxdaa oo laga dejiyay gaadhi Bas Kuwa rakaabka u Kala goosha Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa lag a dejiyay wax year ka hor maqribkii Tuulada Aw-Barkadle ee Bariga kaga beegan Hargeysa.

ciidamada Booliska oo u muuqday inay ka war heleen kooxdaa, ayaa gacanta ku dhigay gaadhigii ay la socdeen oo usoo jeeday dhinaca magaalada Caasimada Hargeysa, waxaana La dejiyay dhamaan rakaabkii saarnaa gaadhiga, iyadoo ciidanku markaa kaddib shan qof oo ka mid aha a rakaabka gaar u kaxaysteen, kuwaas oo sida ay weriyaha ka socday Araweelo News Network u sheegeen dadka rakaabka ah oo xiligaa laga dejiyay gaadhiga in kooxda ka kooban shanta qof laga helay Boorsooyinkii ay siteen qalab iyo waxyabo kale oo ah kuwa loo adeegsado qaraxyada.

ciidamada Booliska Somaliland ee Caasimada ayaa gaadhay goobta daqiiqado kaddib si any kooxdaa ugu soo qaadaan dhinaca Magaaada Hargeysa.
Saraakiisha Booliska ee hawlgalka waday ayaa ka gaabsaday I nay wax faahfaahin ah ka bixiyaan arrintaa.

Gaadhiga Baska lagu qabtay Kooxdaa, ayaa rakaab kasoo qaaday dhinaca magaalooyinka Burco iyo Berbera, wuxuuna usoo jeeday dhinaca magaalada Caasimada Hargeysa,balse lama ogga inay kooxda la qabtay kasoo raaceen dhinaca magaalada Burco iyo inay dhinaca Magaalada Berbera kasoo raaceen, waxaana la rumaysanyahay inay wadeen qorshe lagu waxyeelaynayo amaanka Somaliland, iyadoo xligan lagu jiro dabayaaqada bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay dadku ku mashquulsan yihiin cibaadada tobanka danbe I yo u diyaargarawga ciidka, taas oo suuqyada magaaloyinka saxmad ka dhigtay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post