Dadka deegaanka ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelo News Network in dadka la qabtay oo ahaa 10 qof oo rag ah, kuwaas oo ay ku jiraan laba caruur ah oo aan qaangaadh ahayn laga qabtay shalay Degmada Raqas, iyagoo wata 50 Neef oo adhiga nooca yar yar ee loo yaqaan Janbaqa iyo 6 Dameer oo ay sahay ku siteen.
Kooxdaa oo loo malaynayo inay kasoo firxadeen dagaalada dhowaan ka dhacay Buuralayda Sil-silada Golis ee dhinaca Bariga kaga teedsan xeebaha u dhexeeya Sanaag iyo Boosaaso, halkaas oo ay dagaalo soo noq noqday ku dhexmareen Ciidamada Puntland, waxaana 10 qof xalay lasoo gaadhsiiyay Magalaada Ceergaabo, iyadoo ay ciidmada Boolisku baadhitaan ku wadaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in aanay wax hub ah sidan dadka la qabtay, balse loo malaynayo in hubkii ay siteen ay ku bedesheen xoolaha ay wataan iyo Dameeraha ay sahayda ku siteen, isla markaana doonayeen inay dhinaca dalka Yaman u talaabaan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com