X
    Categories: Warar

Koox Loo Haystay Falal Argagixiso Oo Xukuumadda Somaliland Xabsiga Ka Sii Deysay

Hargeysa(ANN)Koox loo haystay falal Argagixiso inay xubno iyo saraakiil sare ka yihin Ururka Al-shabaab oo ku jiray Xabsiyada Somaliland, ayaa lasii daayay Todobaadkii hore. kadib markii waddahadal si hoose ugu socday Xukuumadda iyo qaar ka mid ah Ehelada dadkaa lagu go’aamiyay inay xukuumaddu xoriyadoodii usoo celiso.
Ma jiro war rasmi ah oo xukuumadda Somaliland kasoo saartay sii deynta raggaa iyo ujeedada ka danbaysa sii deyntooda, balse ilo wareedyo u dhuul daloola arrimahaa, ayaa shebekadda wararka ee Araweelo News Network u xaqiijiyay in xabsiga laga sii daayay Sarkaal Al-shabaab ka tirsanaa oo lagu magcaabo Cabdullaahi Maxamed Axmed (Carabey) iyo Afar xubnood oo kale, iyadoo Saraalkaa Ciidamada Somaliland oo kaashanaya sirdoonka Dalalka Maraykanka iyo kuwa Ethiopia kasoo qabteen deegaanka Xidh-xidh ee duleedka Buuhoodle Febreury 2014.
Cabdullaahi Maxamed Carabey oo walaalo yihiin Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa xiliga la qabtay ku dhuumaalaysanayay deegaankaa, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab, isagoo si gaar ah loogu tilmaami jiray inuu ahaa u qaybsanaha dhinaca Ciidanka Amniyaadka ee Somaliland u qaabilsan Amiirkii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
Mr. Carabey, waxaa lagu eedaynayay inuu masuul ka ahaa falal aragagixiso oo ka dhacay sanadihii 2008 ilaa 2012 xarunta deegaanka Sool ee Laascaanood, kuwaas oo isugu jiray falal qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo galaaftay ku dhowaad sodon qof oo isugu jira Saraakiil dawlada Somaliland ka tirsan iyo dad shacab ah. Sidoo waxa uu xilal kasoo qabtay deegamada Koonfurta Somalia xiligii ay ugu awooda badnayd Al-shabaab deegaamada Koonfurta Somalia.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post