X
    Categories: Warar

Koox Lacag ku Qaata Daminta Dab ay iyagu Shidaan!

Araweelo News Network

Roma (ANN)- Ciidammada ammaanka ee dalka Talyaaniga, ayaa xabsiga dhigay 15 qof oo si iskood ah uga shaqeeya daminta dabka, isla markaana dawladdu mushahar ku siiso, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay dab qabadsiiyeen qaybo ka mid ah koonfurta jasiiradda Sicily ee dalkaas.
Dadkan ayaa samayn jiray been-abuur, si ay abaal-marin dhaqaale uga helaan dawladda, waxayna sheegteen inay 12 saacadood shaqeeyaan marka dawladdu ka codsato in ay dab damiyaan.
Hase yeeshee, kooxda jeelka lagu guray, ayaa la sheegay inay si qarsoodi ah kaymaha dab u qabadsiiyaan si ay dawladdu ugu yeedho damintiisa, lacag badanna loogu siiyo.
Hoggaamiyaha kooxdan ayaa la xaqiijiyey inuu gaadhigiisa kaxaysto marka ay falkaas ku kacayaan, halka inta kalena ku dhuuntaan kaynta si ay dabka u shidaan, waqti yar kadibna dawladda ayaa u yeedha si ay gacan uga geystaan daminta dabka.
Mid kasta oo ka mid ah kooxdan ayaa la siiyaa saacaddii lacag dhan 10 Euro oo u dhiganta 9 bound, mar kasta oo loogu yeedho bakhtiinta dab ay iyagu shideen.
Dalka Talyaaniga waxaa ka jira kulayl daran oo mararka qaar gaadha 40C xilliyada xagaaga.
Warbaahinta Talyaaniga ayaa baahiyey in saraakiisha maamulka Jasiiradda Sicily ay baadhitaan ku sameeyaan dhaqdhaqaaqyada ragga dab-damisnimada ku shaqayta, kadib markii saddex jibbaarmeen dabka ka kaca degaannadaas, gaar ahaan marka kooxdan xabsiga loo taxaabay shaqada ku jiraan.
15ka qof ee la xidhay ayaa lagu eedeeyey in ay dab qabadsiiyeen meel 105 km u jirta magaalada Catania ee dalka Talyaaniga horraantii toddobaadkan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post