X
    Categories: Warar

Koonfurta Sudan Oo Madaxweyne Ku Xigeen Cusub Loo Dhaariyay Iyo Cabsi Laga Qabo In Dagaalo Sokeeye Dub Uga Curtaan

Araweelo News Network

Juba(ANN)Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Koofurta Suudaan, Taban Deng Gai, ayaa la dhaariyay maanta. kaddib markii Mr Taban shalay u magacaabay xilkaa madaxweynaha dalka Salva Kiir, isla markaana uu shaqadii ka eryay Ninka ay sida weyn ay isu hayeen ee Riek Machar oo xilka laga qaaday.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Mr. Machar ayaa magaalada Juba ka baxay kaddib markii dagaallada Koonfurta Suudaan ay soo cusboonaadeen.

Machar waxaa madaxweyne ku xigeen laga dhigay markii markale kaddib markii dib u heshiisiin ay ururka IGAD dhexdhigeen labada dhinac isugu keeneen, balse muddo ayuu diidaanaa inuu ku laabto Jub, iyadoo mar kale dagaal dib u bilaabmay markii uu bilihii lasoo dhaafay gaadhay Juba.

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee la magacaabay waxa uu ahaa xubin sare oo kamid ahaa xisbiga mucaaradka ee uu hogaamiyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Mr. Machar , waxaana laga cabsi qabaa in Koonfurta Suudaan ay dib uga bilaabmaan dagaalo sokeeye.

xisbiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Mr. Machar, ayaa ku kala qaybsamay magcaabista Madaxweyne ku xigeenka cusub uu Mr. Taban Deng Gai, iyadoo Taageerayaasha Reik Machar ay sheegayaan inay sharcidaro tahay in la bedelo Madaxweyne ku xigeenkii hore.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post