X
    Categories: Warar

Koonfurta Kuuriya Ee Xiisada Gobolku Hadhaysay Oo Hoggaamiye Cusub Dooratay

Araweelo News Network

Seoul(ANN)-Doorashada Madaxweynaha dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa si aqlabiyad ah loogu codeeyay Moon Jae-in inuu noqdo Madaxweynaha dalkaasi, sida ay sheegayaan qiyaasihii u dambeeyay ee Codbixiyayaasha.

Moon Jae-in, ayaa la sheegay inuu helay 41.1% codadkii la dhiibtay. Murrashaxa ku soo xigay Hong Joon-Pyo ayaa helay 23.3%

Mr. Jae-in oo bedeli doona Madaxweynaha hadda, ayaa ah qareen u dooda arrimaha xuquuqda Aadamaha, Madaxweynaha la doortay, ayaa doonayaa in uu kordhiyo xidhiidhka ka dhexeeya Kuuriyada Waqooyi, si ka duwan siyaasadda xukumadda hadda ka talisa dalkaasi, taasoo gebi ahaanba cilaaqaadkii hore u jartay xukuumadda Pyongyang ee Woqooyiga Kuuriya.

Hoggaamiyaha cusub ee la doortay, ayaa sidoo kale su’aal geliyay gantaalada difaaca ee uu Mareykanku ku rakibay dalkiisa.

Doorashadan ayaa ahayd mid si gaar ah ay indhaha ugu hayeen qaar ka mid ah dalalka ugu awoodda badan dunida , maadaama xilligan ay taagan tahay mandaqada xiisadda u dhaxaysa Kuuriyada Waqooyi iyo Maraykanka.

March, ayaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Ms Park waxaa xukunka lagaga riday ka dib markii uu baarlamaanka dalkaasi kalsoonida kala noqday, iyadoo lagu eedeeyay in ay ku takri fashay awoodeedii xukunka, waxaana dhawaan lagu soo oogi doonaa dacwado la xidhiidha arrimahaa oo ay ka mid yihiin laaluush qaadasho iyo ku takri fal awoodeed, balse Ms Park, ayaa eedeymahaa beenisay.

Haweenayda Ms Park , waxa tartan xoogani dhexmaray Moon Jae-in Doorashadii dalka Kuuriyada Koonfureed ka dhacday 2012, iyadoo Ms Park dirqi kaga guulaysatay Mr. Moon.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post