X
    Categories: Warar

Komishanka Qaranka Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyay Dhaleecayn Loo jeediyay Oo Sababtay Rabshado

Araweelo News Network

Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Somaliland Cabduqaadir Iimaan

Hargeysa(ANN)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa si kulul uga jawaabay dhaleecayn loo jeediyay iyo warar saraakiil xisbiga WADDANI ka tisran ku sheegeen in ay hayaan cadaymo muujinaya in lagu shubtay doorashadii dalka ka dhacday Isniintii 13 Nov 2017.

Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Cabduqaadir IImaan oo ay weheliyaan saddex xubnood oo Komishanka qaranka ka tisran, ayaa caawa la hadlay saxaafada, wuxuuna bulshadda ugu baaqay in ay is dejiyaan oo aan laga hordhicin natiijada dooarshadda sida wanaagsan ee nagabadgelyada ah uag qabsoontay dalka.

Guddoomiye Cabduqaadir Iimaan, wuxuu sheegay in sanaaduuqdii gobolaga soo galeen intii maqnayd, iyadoo sida uu sheegay inta maqan la filayo inay ilaa beri kusoo xeroodaan xarunta Komishanka ee Hargeysa, balse waxa uu ka digay in sida aan loogu baahnayn in dad inagaga dhintaan doorashadii sida quruxda badan u qabsoontay.

“Uma baahnin in Wiil inaga dhinto, balse waxaynu u baahanahay doorashadii quruxda badanayd ee sida nabada ah inoogu dhacday inaynu sugno natiijadeeda oo aynu wada tashano, mana jiro natiijo naga soo baxday ilaa gobolada laysaga wada yimaado oo sanaaduuqda lagu soo xereeyo Hargeysa ma jirto natiijo la sheegayaa.” Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Komishanka Cabduqaadir Iimaan, waxa kale oo uu ka hadlay warar ay shaaciyeen saraakiisha xisbiga WADDANI oo ay ku sheegeen in ay hayaan waraaqo si khaldan oo foojoori ah loogu shubay sanaaduuq, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Wixii cabsho ah ee sharciga waafaqsan diyaar ayaan u nahay inaan dhegaysano cid walba oo cabasho qabta, waana in subaxnimada naloo soo gudbiyaa wixii cabasho ah diyaar ayaan u nahay,”ayuu yidhi.

Balse, waxa uu waxba kama jiraan ka dhigay in waraaqo foojari ah lagu guray sanaaduuq, isagoo sheegay in Nimanka warqadaha warbaahinta tusayay ee ku doodayay arrintaa ay qaranka ceebaynayaan oo looga fadhiyo cadaynteeda, isla markaana anaay komishan ahaan ku deynayn fadeexada intaa leeg oo sida uu sheegay ceeb ku ah qaranka, caqliga iyo garaadka bulshada iyo komishanka qaranakaba, sidaa awgeed ay sharciga u gudbinayaan arrintaa oo sida uu sheegay been abuur qaawan ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post