X
    Categories: Warar

Komishanka oo Caddeeyey in aanay Waxba Iska Beddelin Jadwalka u Yaal Doorashooyinka Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddeeyey in aanay waxba iska beddelin jadwalka u yaal qabasoomidda doorashooyinka, isla markaana aanay ogayn muddo-kordhin la samaynayo markale.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Mr. Siciid Cali Muuse oo la hadlay telefishanka Star TV shalay, ayaa sheegay in aanay jirin wax muddo-kordhin ah oo loo sheegay amma la gaadhsiiyey guddigooda.
“Maanu arag wax isbeddel ah oo ka hadlaya jadwalka noo yaal, manaan arag wax kordhin ah, manaan maqal wax la kordhinayo, mana jirto wax rasmi ah oo na soo gaadhay, wixii suuqa la iska dhexmarayo waa halkeeda, wax badan oo aan waxba ka jirinna waa la sheegaa, laakiin jadwalka annaga noo degan waa mid sidiisa ku socda oo jadwalkii loogu talogalay doorashada ayaannu ku shaqaynaynaa oo noo socda, ilaa imminkana sidii loogu talogalay ayaannu ku soconaa,” ayuu yidhi Siciid Cali Muuse.
Waxa kaloo uu sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ka bilaabmayso degaananda Gobolka Sool maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 23 August 2016, waxaannu yidhi; “Diiwaangelinta codbixiyeyaashu waxay ka bilaabmaysaa gobolkii u dambeeyey lixda gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland oo la daah-furi doono berri (maanta) magaalada Laascaanood ee magaalo madaxda Gobolka Sool, waxayna diwaangelintu ka bilaabmaysaa maalinta Isniinta ah (berri) oo bishu tahay 23 August 2016, goobaha ay diiwaangelintu ka dhacayso waa 153 goobood oo ah meelaha ay dadku iska diiwaangelin doonaan.”
“Waxa aannu ka codsanaynaa dadka reer Sool inay is diwaangeliyaan, waayo, waa muhiim in qofku muujiyo codkiisa, wacyigelinna Komishanka iyo hay’ado kaleba way u sameeyeen dadka degaanka, and waxaanan doonaynaa oo jecelnahay in dadka reer Sool ay muujiyaan codkooda,” ayuu yidhi Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post