Categories: Warar

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Cayimay Bilowga Diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex

Araweelo News Network
Xubanaha KomishankaXubanaha KomishankaHargeysa (ANN)Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa cayimay waqtiga hawsha diiwaangelinta codbixiyayaashu ka bilaabmayso Gobolka Maroodi-jeex, kadib hakintii lagu sameeyey gurmadkii abaaraha adag ee dalka ka jirtay.

Komishanka Doorashooyinka ayaa shaaciyey in diiwaangelintu si rasmi ah uga bilaabi doonto Gobolka Maroodi-jeex, 30-ka bishan April, maadaama ay jabtay abaartii jirtay oo Alle shubay raxmadda roobkiisa.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Siciid Cali Muuse oo lagu faahfaahiyey dib-u-bilaabista diiwaangelinta ee Hargeysa, waxa uu u qornaa sidan:

“Sida aad la socotaan diiwaangelinta doorashada waxa la hakiyey muddo bil ah (bisha April). kadib markii ay dalka Somaliland ka dhacday abaar saamaysay dadka iyo xoolhaa, taas oo u badnayd galbeedka iyo meelo ka tirsan bariga Somaliland. Alxamdullilah meelo badan roobab fiican ayaa ka da’ay, taas oo ah mid Ilaahay loogu mahadnaqo.”

Sidaa darteed, Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu ku dhawaaqayaa in diiwaangelintii Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa iyo Sallaxlay) ay bilaabanayso bishan April 30, taas oo ku beegan maalin Sabti ah, saacaddu markay tahay 6:00 subaxnimo. Waxa kaloo jiri doonta xaflad furitaan oo dhacaysa Khamiista bishani tahay 28-ka. Maalinta ku xigta ee Jimcaha, shaqalaha goobaha ayaa u kala bixi doona goobaha diiwaangelinta ee ay ku kala qoran yihiin.

Diiwaangelintu waxay dhammaan doontaa bisha May 27, haddii Alle idmo. Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu rajaynayaa in si nadiif ah oo nabadgalyo ay diiwaangelintu inoo ku bilaabano, isla markaana ku dhammaato.

Ilaahay ha inala qabto,” ayuu yidhi Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka.

FacebookFacebookTwitterTwitterEmailEmailWhatsAppWhatsAppRedditRedditPinterestPinterestPrintPrintSkypeSkypeTelegramTelegramShareShare
AddThis Website Tools
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post
whatsapp
line