X
    Categories: Warar

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Soo Saaray Awaamiir Ku Wàjahan Axsaabta Iyo Hawsha Diiwaangelinta

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa soo saaray qoraal xanbaarsan qodobo ku waajahan axsaabta qaranka iyo arrimaha diiwaagelinta.
Qoraalka, ayaa u dhignaa sidan:- “Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay uga mahadnaqayaan saddexda xisbi Qaran iyo Madaxtooyadaba kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ay ilaa hadda si fiican u wadaan.

Haseyeeshee, waxa soo baxaya cabashooyin isa soo taraaya oo u muuqda olole siyaasadeed oo ay wadaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, gaar ahaan labada gobo lee Togdheer iyo Awdal, haddaba, si looga hortago soo noqnoqodka dhacdooyinkan oo horseedi karta in la majara-habaabiyo habsami-u-socodka hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha Komishanka Doorashooyinka Qaranku isaga oo hawsha diiwaangelinta ku taariikhaysan 07/03/2016 ee Guddiga Ilaalinta Anshaxa Codbixiyayaasha wuxuu soo saaray awaamiirtan.

1. In laga bilaabo 8th March 2016 saddeda Guddoomiye xisbi Qaran aanay tagi karin Gobolka Diiwaangelintu ka bilaami doonto muddo 15 casho ka hor maalinta diiwaangelinta.

2. In Guddoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran oo wata min toddoba xubnood ay ka soo qaybgalaan maalinta daahfurka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Gobol kasta iyagoo isbi waliba wato ugu badnaan 5 baabuur oo aan lahayn istiikro, mikrifoon iyo sawirro, waxaanay gobolkaas ku sugnaan karaan maalinta bilowga diiwaangelinta iyo saddex maalmood oo ka horreeya.

3. Waxa looga digayaa xisbiyada Qaranka in aan la ogolayn in lagu arko magaalooyinka boodhadh iyo sawirro lagu xardhay murrashaxiin sheeganaya in ay u tartamayaan Baarlamaanka ka hor muddada uu sharcigu u fasixi doono oo go’aankiisa soo saari doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

4. Xisbi kasta oo jabiya awaamiirtan Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa lagu ciqaabi doonaa Xeerka Diiwaangelinta, Xeerka Hab-dhaqanka Diiwaangelinta Codbiiyayaasha iyo xeerarka kale ee Qaranka ee khuseeya Doorashooyinka.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post