X
    Categories: Warar

Komishanka Doorashooyinka oo Ugu Baaqay Bulshada inay Diyaar u Noqdaan Qaadashada Kaadhadhka Codbixinta

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqay shacabka inay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhadhka codbixinta doorashooyinka oo qaybintooda la bilaabayo dhawaan.
Guddiyo ka kooban xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo socdaal ku maraya gobollada kala duwan ee dalka, ayaa wada qorshe la xidhiidha dardargelinta shaqaalahooda iyo xafiisyadooda si ay ugu diyaargaroobaan qaybinta kaadhadhka codbixinta.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse oo ka mid ah xubno safar ku tagay gobollada bari ee dalka, ayaa hadal uu warbaahinta ku siiyey magaalada Ceerigaabo ee xarunta Sanaag waxa uu kaga warramay ujeeddada socdaalkooda, waxaannu yidhi, “Waxaannu u soconaa oo ujeeedada safarkayaga gobolladu tahay in aannu la shirno shaqaalaha gobollada iyo degmooyinka ee Komishanka Doorashooyinka, saaka (shalay subax) baa u dambaysay oo aannu shaqaalihii Gobolka Sanaag la kulanay, waxaannu kala shirnay sidii ay hawshii u sii wadi lahaayeen ee ay uga sii qaybqaadan lahaayeen hawlaha shaqo.
Sidaad ogtihiin diiwaangelintii dhammaatay waraaqihii dadka la siiyey waxay u qaadanayeen inay hadhaw ku helaan kaadhka codbixinta ee ay ku codaynayaan, kaadhadhkii waqtigan aannu idinla hadlayno daabacaadoodii baaka socota xarunta Komishanka Doorashooyinka ee magaalada Hargeysa.”
Waxa kaloo uu sheegay in Komishanku qiimayn ku samaynayo xaaladda goobihii kala duwanaa ee dadka laga diiwaangeliyey si loo ogaado sida loo qaybinayo kaadhadhka, “Waxa dhawaan la qaybin doonaa kaadhadhka cobixiyayaasha oo socon doona oo dadkii loo gayn doono, markaa kaadhadhkaa qaybtoodii iyo hawlgalintoodii ayaanu kala hadlaynay, waxa kala oo aannu kala hadlaynay oo shirarka muhiimada u wayni ay ahayd sidii goobihii ay markii hore diiwaangelintu ka dhacday ay shaqaaluhu u tagi lahaayeen oo ay u soo samayn lahaayeen qiimayn xaaladdu siday tahay dhismayaashii taagnaa, kuwii aan dhismayaasha ahayn iyo hawlihii looga baahnaa iyo weliba dadkii joogay, markaa qaarkood shaqaalihii Gobolka Sanaag markii aannu shirkii dhammaynay way baxeen oo goobihii bay tageen. Gobollada Togdheer iyo Sool iyagu hore ayeyba u sii bilaabeen oo shaqadaasi hadda way wadaan,” ayuu yidhi Afhayeenku.
Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan oo ka mid ah xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku sugan Ceerigaabo, ayaa baaq la xidhiidha u diyaargarowga qaybinta kaadhadhka u diray shacabka reer Somaliland, “Kaadhadha codbixinta waxaannu gayn doonaa goob kasta oo laga sameeyey diiwaangelin, muddo fiican way socon doontaa, markaa dadweynaha waxaannu ugu baaqaynaa inay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhadhkooda codbixinta si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo qof waliba u yeesho hal cod oo keliya,” ayuu yidhi Mr. Cabdiraxmaan Cismaan Adaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post