Araweelo News Network
Xubanaha Komishanka
Hargeysa (ANN)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ka warramay daabacaadda kaadhadhka codbixiyayaasha oo la bilaabayo dhawaan iyo suurtogalnimada in doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto muddada loo cayimay ee dabayaaqada bisha March 2017.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlayey shir jaraa’id oo xubnaha Guddiga Doorashooyinku ku soo bandhigeen qalabka daabacaadda kaadhadhka codbixiyaashii is-diiwaangeliyey, hawl-wadeennada fulinaya daabacaadda iyo khubarada tababari doonta, ayaa sheegay in maalmo kooban kadib si rasmi ah loo bilaabi doono soo saarista kaadhadhka dadka codkooda ka dhiibanaya doorashada.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa dhammaaday maanta kala shaandhayntii iyo kala hufidii codeeyayaashii is-diiwaangeliyey lixdii bilood ee aynu soo dhaafnay, waxa maanta (shalay) inoo bilaabmaya tababarkii shaqaalaha lagu tababarayey daabacaadda kaadhadhka, maanta (shalay) waxa horteenna yaal qayb ka mid ah qalabkii lagu daabacayey kaadhadhka codbixiyayaasha oo soo gaadhay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo lagu tababari doono shaqaale muwaadiniin ah, iyadoo ay joogaan khubaradii bixinaysay tababarka, mashiinnada inna soo gaadhay waxa iyaguna daba socon doona oo berri (maanta) iyo maalmaha ku xiga socon doona oo soo dhammaystirmi doona qalabka oo is dabayaala, waxaanna dhawaan sida ugu dhakhsaha badan marka tababarkaas oo dhawr casho ahi dhammaado shaqaalaha la bilaabayaa in aynu daabacno kaadhadhkii u horreeyey.”
Waxa kaloo ka hadlay suurtogalnimada in doorashadu ku qabsoonto waqtigeeda, maadaama lagu jiro xilli abaar adagi ka taagan tahay dalka, waxaannu xusay in qorshahoodii sidii loogu talogalay yahay oo aanay waxba iska beddelin, “Wixii qaddar ah ee Ilaahay keenaa waa halkiisa, Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu Raxmaad inoo keenno oo xilli wanaagsan uu ku soo beegmo waqtigii aynu ugu talogalnay doorashada, laakiin Komishanka waxa ka go’an oo qaranka oo dhami ka sugayaa in aannu gacmaha laaban oo aannu odhan abaar baa dhacdaye waanu fadhiyeynaa, annagu shaqadii waanu wadnaa, waxaannuna idiinku yeedhnay si aannu idiinku wargelinno shaqadii inay si wanaagsan u socoto, qaddarka Ilaahayna waa halkiisa, laakiin qorshe hawlihiidkii Komishanku u samaystay farsamo ahaan doorashada waa diyaar oo wax innaga dhimani ma jiro,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanku, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu tilmaamay in ay qabanayaan doorasho oo xalaal ah, “Waxa muhiim ah oo annaga Komishan ahaan noo muhiim ah waxa shacabku noo igmaday in aannu doorasho xor oo xalaal ah qabanno, taasina waxay ku dhisnayd ama ka soo abuurmaysay diiwaangelin xor oo xalaal ahi inay dhacdo, waxaad markhaati nooga tihiin in diiwaangelin hal qof oo codeeye ahi inoo dhacday oo ah mid tiknoolaji farsamo cusub ah oo reer hebel baa loo badiyey iyo reer hebel baa kaadhadhkii u badsaday aanay midna lahayn, markaa ku bushaaraysta intii aannu annagu qaban karaynay in aannu ka ilaalinno xanaf inay doorasho xor oo xalaali ahi inoo dhacdo toddobadayada xubnood (Guddiga) waanu ku dadaalnay oo markhaatina waad nooga tihiin shacab iyo xisbiyaba.”
Dhinaca kale, saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa ku bogaadiyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka siday u wadaan hawsha u diyaargarowga doorashada.
Masuuliyiin ka kala socday saddexda xisbi Qaran oo ku sugnaa madasha xubnaha Guddiga Doorashooyinku ku qabteen shirka jaraa’id, ayaa iyaguna hadallo hambalyo iyo ammaan ah u jeediyey Guddiga oo ay ku tilmaameen inay ka soo dabbaasheen hawlo adag oo horyaalay.