X
    Categories: Warar

Komishanka Doorashooyinka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland Oo Kulan Dhexmaray

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddi ka kooban qaadhaan-bixiyeyaasha dhinaca dhaqaalaha ka taageera, ayaa kulan ku yeeshay xarunta Guddida Doorashooyinka ee caasimadda Hargeysa.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka, kulanka ay la qaateen xubnaha Guddida ah oo ka kala socday Midawga Yurub (EU), Dawladda Ingiriiska (FCO UK), Denmark (DANIDA) hay’adaha Interpeace, iyo Creative, waxa ay xog-warran kaga siiyey qaabkii ay u dhacday qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha ee Gobollada Awdal, Saaxil iyo xeebaha Gobolka Sanaag.
“Shir muhiim ah oo maanta oo Arbaca ah 24/05/2017 ka dhacay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Kulankaas oo ku saabsanaa xog-warran la xidhiidha qaabkii ay kaadh-qaybinta codbixiyuhu uga dhacday Gobollada Awdal iyo Saaxil iyo Xeebha Gobolka Sanaag.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu guddoominayay Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Md. Maxamuud Wacays ayaa kooxaha ka taageera dhinaca dhaqaalaha ee loo yaqaan “Donor Working Group” (Guddida Qaadhaan-bixiyeyaasha) oo ka kala socday EU, FCO UK, Denmark, DANIDA, Interpeace, iyo Creative) war-bixin ka siiyey hawshaas kaadh-qaybinta iyo sida ay u qabsoontay, sidoo kale waxa ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ka war bixiyeen sidii hufneyd ee kaadh-qaybintu u dhacday io horumarka laga gaadhay gobolladaas.
Hawshan kaadh-qaybinta ayaa ah mid loogu diyaar-garoobayo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeynka ee ku suntan in ay dhacdo 13 November 2017. Xubnihii ka soo qaybgalay ee ka socday “donor working group” ayaa aad u soo dhaweeyay sida ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku u qabteen hawsha, kuna hambalyeeyey waxqabadkooda iyo warbixinta uu komishanku siiyay, waxayna sheegeen inay Komishanka gacan ku siinayaan sida ay u wadaan hawlaha doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post