X
    Categories: Warar

Komandowsta Alpha Group Oo Qabtay Gaadiid Iyo Koox Lala Xidhidhiyay In Ay Filiyeen Dilalka Qorshaysan Ee Hadheeyay Muqdisho

Mogadishu(ANN)Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group oo ka hawlgala Magaalada Muqdisho oo kaashanaya Sirdoonka Qaranka Somalia, ayaa bartilmaameedsaday guri ku yaal Degmada Dharkeynlay ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kusoo qabteen Koox loo tuhmay in ay ka mid yihiin kuwa hawlgalada shirqoolada iyo dilalka dhagaraysan ka fuliya Magaalada Muqdhso. Sidoo kale hawlgalkaa oo xalay lagu filiyay Gurigaa waxay Ciidamada Alpha Group kusoo qabteen Gaadiid iyo Qalab kala duwan oo ah kuwa loo adeegsado qaraxya iyo koox aan tiradooda la shaacin. Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray hawlgalkaa, balse warar laga soo xigtay Saraakiil kala duwan oo ku sugan Muqdisho, ayaa u sheegay shebekada Araweelo News Network in hawlgalkaa lagu soo qabtay tiro aan la shaacin oo Malayshiyo ah iyo Laba Gaadhi oo ah Nooca loo yaqaan Surf iyo Toyota Hilux. Sidoo kalena ay ciidamadu gacanta ku dhigeen Hub iyo qalab ka mid ah kuwa loo adeegsado qaraxya oo ay ka mid yihiin jaakadaha qaraxa, Dekumintiyo iyo Boorsooyinka ay qaataan Haweenku oo lagu xidhay waxyaabaha Qaraxyada sameeya, kuwaas oo loo aanaynayo in la doonayay in hawlgalo cusub lagu fuliyo. Saraakiisha laga soo xigtay warkan, ayaa sheegay in hawlgalka Ciidamadu yimi kadib markii Sirdoonku muddo dheer ku raad joogeen Kooxdaa oo la rumaysan yahay in ay fuliyeen Hawlgalo shirqool oo lagu dilay laba Sarkaal ka mid ahaa dadkii u danbeeyay ee Todobaadkan lagu dilay Muqdisho iyo sidoo kale, weerarkii lagu dilay Fanaanadii Caanka ahayd ee ka mid ahayd Xildhibaanada Somalia Saado Cali Warsame oo lagu dilay Muqdisho 23 July 2014. Waxa kale oo la rumaysan yahay in kooxdani hawlgalo baddan oo ay ka fuliyeen meelo kala duwan gudaha Magaalada Muqdisho lagu khaarajiyay dad baddan oo ka mid ahaa kuwa ku nafwaayay dilalka aan raadkooda la helin ee inta baddan Al-shabaab sheegato. Araweelo News Network Somaliland Office ifo@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post