X
    Categories: Warar

Kollanyo Maraakiibta Dagaalka Iran Oo Yemen U Jihaystay Iyo Sucuudiga Iyo Maraykanka Oo Ka Wallaacsan Loolanka Awooddaha Ku Hirdamaya Yemen

Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Aden(ANN) Xukuumadda Dalka Iran, ayaa kolanyo maraakiibta dagaalka ah u dirtay dhinaca dalka Yemen, isla markaana doonaya inay gaadhaan dekeda dhinaca Koonfurta Yemen ee Cadan. Sidaana waxa lagu daabacay http://thehill.com/policy/defense oo soo xiganayay laba ka mid ah saraakiil difaaca Maraykanka.
Kolanyada Maraakiibta Iran ee usii jeeda dhinaca dalka Yemen ee duqaynta dhinaca Cirka ah ay ku hayaan ku dhowaad Afar todobaad Sucuudiga iyo xulufadiisu, ayaa tiradooda lagu sheegay 7 ilaa 9 maraakiibta dagaalka ah, kuwaas oo qaarkood la rumaysanyahay inay sidaan Hub iyo sahay Milateri oo la doonayo in loo gudbiyo malayshiyada lagu eedeeyo inay Iran taageerto ee Xuutiyiinta Yemen sida ay sheegeen saraakiisha dhinaca difaaca ee Milateriga.
Waxa jira warar sheegaya in Maraykanka iyo Xulufadiisu doonayaan in ay ka joojiyaan Kolanyada Maraakiibta Iran inay u gudbaan dhinaca Biyaha Yemen oo ay hore uga mamnuuceen inay dhinaca Badda, Cirka iyo Beriga wax gaadiid ah ka galaan, taas oo la go’aamiyay Afar todobaad ka hor markii duqaynta dhinaca cirka lagu bilaabay Xuutiyiinta Yemen iyo Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.
Iran, ayaa hore Laba ka mid ah Maraakiibteeda dagaalka u dirtay dhinaca Dalka Yemen todobaadkii hore, waxayna gaadheen Biyaha Yemen, iyadoo xukuumadda Dahran sheegtay inay qayb ka yihiin hawlgalka la dagaalanka Budhcad-badeeda iyo ilaalinta Maraakiibteeda isaga gooshay caalamka.

Balse Kolanyada Maraakiibta ee Iran u dirtay dhinaca Yemen waqtigan ma cada waxa dhacaya haddii u gudbaan dhinaca Biyaha Yemen oo Sucuudiga iyo Maraakiib laga laayahay Masar oo kuwa dagaalka ah ku jiraan guddaha si ay u dhaqan geliyaan inaan loo gudbin Biyaha Yemen, laakiin warar laga soo xigtay dhinaca Milateriga Maraykanka, ayaa sheegaya in Iran Maraakiibteedu doonayaan inay u gudbaan dhinaca Yemen, kuwaas oo la rumaysan yahay inay ku jihaysan yihiin dekeda dhinaca Koonfurta ee Cadan oo ay xuutiyiintu qabsadeen, iyadoo gebi ahaanba ay go’doomiyeen xulufadu.

Sarkaal u hadlay Xarunta Hoggaaminta Ciidamada Maraykanka oo lagu magcaabo Col. Pat Ryder, ayaa sheegay in Washington ka caawinay Xulufada Sucuudigu hoggaaminayo ilaalinta hawda Yemen ee dhinaca Cirka, balse aanay qayb ka ahayn ilaalinta go’doominta dhinaca Badda Yemen.
Ciidamada Badda ee Maraykanka ee ku sugan Biyaha Gacanka Cadan, ayaa 1April arkay Markab sita Calanka Panama oo looga shakiyay inuu si sharci-daro ah hub ugu siday Xuutiyiinta dalka Yemen, iyadoo ay muuqato xiisada u dhaxaysa Iran iyo Sucuudiga ee la xidhiidha arrinta Yemen inay mandaqada kusoo kordhisay xaalad cabsideeda leh.
Maraykanka, ayaa sheegay inay sii wadayaan sidii Hubka sharci-darada ah, Kootarabaanka, tahriibinta dadka iyo waxyaabaha la xidhiidha Daroogada ee si taxadir leh uga ilaalinayaan halkaa, balse Washington, waxay sheegtay inay ka wer wersantahay in Yemen noqoto meel ay ku cartamaan labada quwadood ee Iran iyo Sucuudiga.
Maraakiibta Iran, ayaa wararka qaar sheegayaan inay suurtagal tahay in dhinaca dalka Cuman oo aan ku jirin xulufada u gudbaan, isla markaana dhinaca Bari xad kala wadaagta Yemen, halkaas oo laga cabsiqabo in Hub looga soo gudbiyo Xuutiyiinta, iyadoo dhinaca dhulka looga soo gdbin karo.
Taageerada Maraykanka ee xulufada Sucuudiga, ayaa sababtay in xidhiidhka xukuumadda Ciraaq iyo Maraykanka shaki soo kala dhexgalo, iyadoo Maraykanku xulufo kula ahaa xukuumadda Ciraaq ee shiicadu hoggaaminay dagaalka ay kula jiraan Suniyiinta Daacish ee ISIS, balse taageerada xulufada Sucuudiga ee duqaynta shiicada xuutiyiinta Yemen, ayaa ka cadhaysiisay xukuumadda Ciraaq.
Sidoo kale Iran oo wadahadal dhinaca Hubka Nukliyeerka lagula jiray, waxay arrintani u muuqatay mid sii xumaynay qorshihii la doonayay inay Iran ka qaadato quwadaha waaweyn ee rajada iyo yididiilada laga filayay.
Si kastaba ha ahaatee Dagaalka Yemen oo waqtigan saamayn weyn durba ku yeeshay mandaqada iyo dunida kaleba, waxa hadda si cad u muuqda inay Iran iyo Xulufada Sucuuidgu kala taageerayaan labada dhinac, ayaa meel xun maraya, waxaana duqaymaha dhinaca cirku sababeen bur-bur iyo dhimasho balaadhan, iyadoo Boqolaal qof oo ka qaxay Dagaalka Yemen u gudbeen Dalalka Djibouti, Somaliland, iyo dhinaca Maamul goboleedka Puntland ee Somalia, kuwaas oo ka talaabay dhinaca gacanka cadmeed.
Hay’addaha gargaarka ayaa ka walaacsan xaalada, waxayna duqaymaha dhinaca Cirka ee xulufada Sucuudigu noqdeen kuwo aan waxba ka bedelin qabsashada xuutiyiintu ku doonayeen inay ku qabsadaan Magaalada Cadan ee Istiraatiijiga ah iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah, marka laga reebo gobolka dhinaca Bariga ee kooxda Al Qaida Yemen awooda ku leedahay, kaas oo aanay suurta gal ahayn inay fooda geliyaan Xuutiyiinta iyo Xulufada ciidanka Madaxweynihii hore ee Cali Cabdalla Saalax.

Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post