X
    Categories: Warar

Khubaro Ingiriis Ah Oo Ka Taageeraya Somaliland Wadahadalka Arrimaha Ganacsiga Ee Ay Kula Jirto Ethiopia

Araweelo News Network

Somaliland iyo Itoobiya oo ka Wadahadlaya Qabyo-qoraalka Heshiiska Ganacsiga iyo Isu Gudubka Badeecadaha

Hargeysa (ANN)Khubaro ka tirsan dawladda Ingiriiska, ayaa ka taageeraya xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wadahadalka la xidhiidha istaraatijiyadda arrimaha ganacsiga ee ay kula jiraan dawladda Itoobiya.
Sida lagu caddeeyey qoraal ka soo baxay Hay’adda la yidhaah TAF (Trade Advocacy Fund) oo hoos tagta Waaxda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawladda Ingiriiska ee DFID, waxa ay dawladda Somaliland gacan ka siiyaan, isla markaana kala taliyaan qaabka loo galo heshiisyada ganacsi ee caalamiga ah, kuwaasoo hadda ku hawlan sidii ay uga taageeri lahaayeen wadahadalka dhinaca ganacsiga iyo heshiisyadiisa ee Somaliland kula jirto dalka Itoobiya.
“Itoobiya iyo Somaliland, ayaa la rajaynayaa inay waqtiyada soo socda ee ugu dhaw sii ambo-qaadaan wadaxaajoodka qabyo-qoraalka heshiiska la xidhiidha ganacsiga iyo Isu Gudubka badeecadaha ee labada dal, iyadoo nuqulka qabyada ah ee heshiiskaas oo ay diyaariyeen khubarada TAF uu xudun u noqon doono wadahadalkooda. TAF waxay taageero u fidiyaan Somaliland, iyagoo kaashanaya Golaha La-taliyeyaasha Mac-hadka Ganacsiga Adduunka ee WTIA (World Trade Institute Advisors),” ayaa lagu yidhi warbixinta ka soo baxday Hay’adda la yidhaah TAF.

Waxa kaloo qoraalka ku soo baxay TAF News oo Jamhuuriya soo xigtay xalay uu intaas ku daray; “Ilaa sannadkii 2013, waxa ay TAF (Trade Advocacy Fund) ay taageero la-talin ah siinaysay dawladda Somaliland, iyadoo arrimaha xoogga la saaray ay ugu muhiimsan yihiin sidii xukuumadda Somaliland looga caawin lahaa wadaxaajoodka laba geesoodka ah ee ay kula jiraan dalka Itoobiya oo la xidhiidha sidii iskaashi ganacsi u dhexmari lahaa labada dal.
Hay’adda TAF waxa ay muddooyinkii u dambeeyey xooga saartay sidii ay xukuumadda Somaliland uga taageeri lahayd diyaarinta qabyo-qoraalka heshiiska ganacsiga iyo isu gudubka badeecadaha (Trade and Transit Agreement draft), kaasoo ku salaysan heshiis dhinaca isugu gudubka badeecadaha ganacsiga ah oo Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen sannadkii 2005.
Waxa kaloo TAF (Trade Advocacy Fund) ay maalgelisay kulanno sare loogu qaadayo dhinaca tayada aqoonta hawladeenno ka tirsan xukuumadda Somaliland, si looga caawiyo inay helana xirfado u sahlaya inay si fiican u fahmaan horumarinta siyaasadda ganacsiga ee heer gobol iyo heer caalamiba, isla markaana xirfado sare ugu yeesheen wadahadalada ay kula jiraan Itoobiya.”
Hay’adda laga leeyahay dalka Ingriiska, ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixisay tababarada kala duwan ee ay ka fuliyeen Somaliland iyo waxyaabaha xooga lagu saaray.
“Bilawga kulanada tababarka ah waxay dhaceen bishii December ee sannadkii 2015, kuwaasoo xooga lagu saaray adeega ganacsiga iyo sidoo kale sababta arrintan muhiim ugu tahay koboca dhaqaale ee Somaliland, halka sidoo kale tababarkaas oo ay ka qaybgaleen 16 xubnood la siiyey khibrad la xidhiidha sidii loo geli lahaa heshiis khuseesa dhinaca ganacsiga, halka sidoo kale tababaro dheeraad ah la qabtay bishan February ee 2016, iyadoo lagu soo qaatay macluumaad khuseeya ganacsiga, hannaanka loo fududeeyo Isu Gudubka badeecadaha iyo ganacsiga.
Waxa kaloo tababarka ku jiray duruus lagu baranayo sida Somaliland ula macaamili karto, ugana gudbi karto caqabadaha haysta inay yeeshaan imkaaniyaad amma waxyaabo fududeeya ganacsi u kala gudba Gobolka iyo heer caalami, labadaba. Waxa kulamadaas ka qaybgalay 18 xubnood oo ka mid ah masuuliyiinta Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay TAF.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post