X
    Categories: Warar

Khilaafka Hay’adda Shaqaalaha Oo Ay Kashifeen Laba Wareegto Oo Mar Kasoo Wada Baxay Guddoomiyaha Iyo Agaasimaha

 

Hargeysa(ANN)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa soo saartay wareegtooyin is khilaafsan oo kasoo wada baxay xafiiska hay’adda, isla markaana kuwada taariikhaysan maanta oo ahayd 25 Jun 2020.

Labada Wareegto oo lagu socodsiiyay Warbaahinta Somaliland, waxa soo kala saaray Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Farxaan Aadan Haybe iyo Agaasimaha Hay’adda shaqaalaha Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan, waxayna labaduba ka hadlayaan munaasibada 26 Juun oo ah maalin qaran fasaxeeda, taas oo ku beegantay maalinta beri oo Jimce ah.

Agaasimaha Hay’adda Sgaqaalaha, Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in maadaama ay maalinta 26 Juun ku beegantay maalin Jimce ah ay shaqaaluhu fasaxooda Dastuuriga ah eek u xusan xeerka Shaaalaha qaadanayaan maalinta Sabtida ee 27 Juun. Sidaana ku wargeliyay shaqaalaha dawladda.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Farxaan Aadan Haybe, ayaa qoraal ka duwan kaa soo saaray isla maanta, kaas oo uu u kala diray warbaahinta, wuxuuna sheegay in aannay fasax ahayn maalinta Sabtida ee 27 Juun, isla markaana la gelayo Imtixaanada.

Wareegtooyinka labada masuul oo xafiiska wada joogaa soo saareen ayaa muujinaya khilaaf u dhexeeya labadooda iyo in ay iksu haystaan awoodda xafiiska, waxayna arrintan shaqaalaha dawladda markii warakani gaadhay ku riday jaah-wareer.

Laba Wareegto oo is khilaafsan halkan ka daalaco.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post