X
    Categories: Warar

Khilaafka Dhinaca Dhaqaalaha La Siiyo Ciidamadda Ku Sugan Somalia Oo Soo Kala Dhexgalay Midawga Yurub IYo Midawga Afrika

Araweelo News Network


Nairobi (ANN) Khilaaf dhinaca dhaqaalaha ah, ayaa ka dhex dhashay ururrada Midowga Yurub iyo Midowga Afrika oo isku haysta maamulka lacagta la siinayo ciidanka Brundi ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.
Sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Daily Star oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, Ururka Midowga Yurub (EU) oo isagu bixiya dhaqaalaha ku baxa ciidammada Afrikaanka ah ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, ayaa shaaciyey in ay iyagu maamulayaan oo ay toos u siinayaan mushaharka iyo kharashka ku baxaya ciidammada Burundi oo ka mid ah dalalka ciidammadu ka joogaan Soomaaliya, halkii ay lacagtaasi ka soo marin lahaayeen dawladdooda, si ay uga hortagaan in dhaqaalahaasi galo gacmaha dawladda Burundhi oo la tacaalaysa qalalaase siyaasadeed oo ka bilaabay dalkaasi bishii April ee sannadkii hore ee 2015 kadib muran ka dhashay doorashada Madaxweynaha xilka haya, isla markaana ay ku dhinteen kumanaan qof.
Haseyeeshee, go’aankaasi EU-da waxa si wayn uga cadhooday Midowga Afrika (AU) oo ku tilmaamay tallaabo waxyeelaynaysa hawlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay inay si degdeg ah uga noqdaan.
War-murtiyeed laga soo saaray kulan generaallada millatariga ee dalalka ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya ku yeesheen magaalada Addis Ababa Jimcihii, ayaa si xoog ah uga soo horjeestay qorshaha Midowga Yurub ku kala saaray hannaanka bixinta dhaqaalaha ciidammada Nabad Ilaalinta AMISOM oo ay ku tilmaameen mid midab-takoor ah.
“Waxa EU-da loogu baaqayaa inay si degdeg ah uga noqdo go’aankan, kaas oo cawaaqib xun ku yeelanaya hawlgalka AMISOM iyo guud ahaan horumarka laga sameeyey nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedkaasi.
Ciidanka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ee loogu talogalay inay ilaaliso dawladda taagta daran ee beesha caalamku aqoonsanyahay ee Xamar oo ka difaacdo kooxda Al-shabaab, ayaa tiradoodu dhan tahay 22,000 askari, kuwaas oo 5,400 ka mid ahi ka socdaan dalka Burudhin.
Lacagta Midowga Yurub ku bixiyo ciidanka Burudhin ee ku sugan Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inay dhan tahay shan milyan oo euro oo u dhiganta $5.43 milyan oo dollar bil kasta.
Madaxweyne-ku-xigeenka kowaad ee Burundi Gaston Sindimwo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in aan ciidammada Burundhi ee qaybta ka ah AMISOM aanay wax mushahar ah qaadan muddo toban bilood ah, taas oo uu ku eedeeyey Midowga Yurub, waxaannu xusay in aannu meesha ka saarayn inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya haddii xaaladdani sii socoto.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post