Araweelo News Network

Somaliland: Anagaaba jecel in nala kala xidho anaga iyo Muqdisho

MaxamedmuusediriyeHargeysa(ANN)Khilaaf xooggan oo gaadhay meel adag, ayaa ka dhashay isu socodka labada dal ee Somaliland iyo Somalia. Kadib go,aan xukuumadda Somaliland ku kaantaroolays dadka ajaanibka ee sharcidarada ku jooga dalkeeda soo saartay dhowaan.
Hase yeeshee go,aankaa oo kumanaan u dhashay dalka Ethiopia oo sharcidaro ku joogay Somaliland lagu masaafuriyay, waxa kale oo uu saamayn ku yeeshay dadka kasoo jeeda Somalia ee aan sharciga haysan ee ku sugan Somaliland iyo kuwa ka imanaya Muqdisho iyo Soomaaliyada kale ee usoo jeeda dhinaca Somaliland, kuwaas oo lagu dabakhay sharciga iyo qaanuunka ay soo saartay xukuumadda Somaliland, balse dawlada Federaaka ee Somalia oo ka cadhootay go,aankaa, ayaa sheegtay in aanay aqbali doonin in dadka kasoo jeeda Somalia ay Somaliland ula dhaqanto qaab ajinebi oo ay ku khasabto inay sharci la mid ah kuwa ajaanibka kale ku joogaan Somaliland ama ku galaan.
Madaxa socdaalka iyo Jinsiyadaha ee xukuumadda Somalia Gen. Gaafoow oo shalay wabaahinta la hadlay, ayaa wax laga cadhoodo ku tilmaamay go,aanka Somaliland qaadatay, wuxuuna sheegay inay diyaaradaha dadka kasoo qaada Somaliland ku wageliyeen in aanay soo qaadikarin dad Somali ah oo ay Somaliland usoo jartay warqad Go Home ah.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Mr. Gaafoow, aya sheegay in muddo 21 cisho kadib la joojin doono dhamaan duulimaadyada gudaha ah ee Muqdisho iyo Hargeysa, kadib markii sida uu sheegay Somaliland soo saartay go,aan faraya in dadka rakaabka ah ee u safraya Muqdisho ama magaalo kale oo isla Soomaaliya ah warqad la yiraahdo “Go Home” ama dal-kaga-bax, khidmado dheeraad ahna ku soo rogeen.

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo jawaab ka bixiyay hadalka Gaafoow, ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan go,aanka Somalia ku joojisay is socodka Somaliland I yo Somalia.

Wasiir Diiriye oo waraysi siiyey idaacadda VOA, ayaa sheegay in ay yihiin dal madaxbanaan Soomaaliyana ula dhaqmayaan sida ay ula dhaqmaan dadka Itoobiyaanka ah, waa in si sharci ah loo soo galaa dalkayaga hadhowna looga baxaa, oo anagu kala dal ayaan nahay, Kuwa aanu siiney Go Home haddii ay soo celinayaan iyaga ayey u taalaa ayuu yifhi Wasiirku, kala joojinta ay wadaan waaba taan rabney waana soo dhaeyneynaa Ahlan Wasahlan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409