X
    Categories: Warar

khasaaraha Shil Baabuur Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Duleedka Bari Ee Magaalada Burco

Qaybta Gargaarka Degdega ah ee Cusbitaalka Burco

Burco(ANN)-Shil ka dhashay laba Baabuur oo isku dhacay meel u dhaxaysa Deeggaanka Beer iyo Yiroowe ee Bariga Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan Sideed qof, halka laba kale ay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Axmed Aw Cali Shabeel oo caawa kula hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Cusbitaalka Buurco, ayaa sheegay in shilka laba Baabuur ka dhashay markii ay isku dhaceen Baabuur Booyad ah iyo Baabuur nooca Bus Caasiga loo yaqaan oo ay leedahay shirkadda Bixin Group, wuxuuna sheegay in 8 qof oo dhaawac u dhintay ay ku naf waayeen, halka laba qof oo kale dhaawacooda la keentay Cusbitaalka Burco oo lagu dawaynayo, balse labada qof ee dhaawaca ayuu sheegay in midkood dhaawaciisu culus yahay.

Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer, wuxuu ka tacsiyeey Ehelada dadka ku nafwaayay shilkaa, isagoo kuwa dhaawacana Allah uga baryay inuu u fududeeyo.
Sidoo kale Agaasimaha Cusbitaalka Burco, ayaa xaqiijiyay dhimashada dadkaa sideeda ah ee ku dhintay shilkaa, wuxuuna sheegay in lala tacaalayo dhaawacyada la keenay Cusbitaalka Burco, balse waxa jira warar markaa kadib soo baxay oo sheegaya in labadii qof ee dhaawaca ahaa midkood dhintay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post