X
    Categories: Warar

Khasaaraha Rabshado Ka Dhashay Khilaafka Booqashada Awdal Ee Ugaas Doodi Oo Sagaal Sannadood Kaddib Soo Cusboonaaday

Araweelo News Network

Khasaaraha Rabshado Ka Dhashay Khilaafka Booqashada Awdal Ee Ugaas Doodi Oo Sagaal Sannadood Kaddib Soo Cusboonaaday

Boorama(ANN)-Rabshado ka dhashay khilaaf ka taagan booqashada Awdal ee mid ka md ah mdax-dhaqameedka deegaanka oo lagu magcaabo Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble (Doodi), ayaa sababay dhaawaca Hal qof oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxman Maxamed Barkhad, sida ay sheeciyeen warbaahinta maxaliga ah ee Awdal.

Kooxo dhalinayo ah, ayaa usoo baxay sidii ay u muujin lahaayeen taageerada soo dhowaynta ee Ugaaska oo dhanka Ethiopia ee Kililka Shannaad ee ay Somaliland wadaagaan xadka doonaya inuu kasoo galo magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Balse sida ay sheegayaan dadka deegaanka markii ay soo baxeen warar sheegaya in aan Ugaas Doodi soo gelikarin gudaha Somaliland, waxay dhalinyaro iyo haween usugu soo baxeen magaalada Boorama, kuwaas oo sita Boodhadh ay ku qoran yihiin ereyo soo dhowayn ah, isla markaana qaarkood ku dhawaaqayaan weedho ay ku tiraabayeen oo lid ku ah qaranimada Somaliland, waxaana markaa kaddib ay isku dhaceen Booliska oo tacshiirado rasaas ah ku kala dareerinayay dhalinyaraadaa oo gubayay Taayiro, taas oo sababtay dhaawaca uguyaraan hal qof.

Qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka, ayaa sheegay in aannay aqlayn in Ugaaska loo diido inuu yimaado Somaliland, gaar ahaan Awdal, waxayna sheegeen in ay soo dhowaynaayan booqashadiisa oo ay diyaar u yihiin, waxaana maalmahan laga dareemayay Magaalada Boorama dhaqdhaqaaqa soo dhowayntisia, iyadoo sidoo kale lagu arkayay baraha buklshada dhawaaqyo loogu muujinayo soo dhowayn la xidhiidha safarkiisa kusoo waajahan deegaankaa.

Ugaas Cabdirashiid oo kasoo keeja saldanad facweyn, ayaa January 28, 2019, wuxuu shir ballaadhan ku qabtay gudaha dalka Ethiopia ee deegaanka Soomaalida, gaar ahaan Aw-bare oo xad la wadaagta gobola Awdal ee Somaliland, halkaas oo ay kaga qaybgaleen shirkaa boqolaal ergooyin madax-dhaqameed ah oo ka kala yimi Somaliland iyo Ethiopia, kuwaas oo ka yimi deegaamada Bulshada uu Ugaaska u yahay.

Hase yeeshee  Ugaaska oo aan la shaacin ujeedada xilligan ee booqashadiisa Awdal, isla markaana aannay xukuumadda Somaliland si cad u shaacin diidmada loo diiday inuu usoo gudbo Awdal, ayaa noqotay mid xiisad iyo xamaasad kicisay, iyadoo sida ay sheegaayaan qaar ka mid ah dadka deegaanku Ugaaska oo aannay socdaaladiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa aannay ka madhnayn siyaasad sidan oo kale xiisado siyaasadeed iyo rabshado uga dhasheen socdaalkiisa dhammaadkii 2011, waxaana xiisada ka dhalatay xilligaa saggaal sannadood ka hor ay noqotay mid muddo jiitamaysay, isla markaana xaaladda amaanka saamayn ku yeelatay, kaddib markii laysku khilaafay imaatinkiisa deegaankaa oo abuurtay xiisad, balse waxa markaa kaddib wefdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici Oct, 2011, so af-jareen xiisada ka dhalatay, isagoo xilligaana Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble (Doodi) doonayay inuu soo galo guddaha Somaliland oo kasoo talaabo xadka ay Somaliland la wadaagto Ethopia ee deegaanka Ismaamulka Soomaalida.

AKHRI:  Khilaaf Dhinaca Dhaqanka Ah Oo Laysku Mari Waayay Caleemo Saarka Ugaas Doodi

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post