X
    Categories: Warar

Khasaaraha Qarax iyo Weerar Lala Beegsaday Xarunta Ciidanka Taraafikada ee Muqdisho

Araweelo News Network
Muqdisho (ANN)Ugu yaraan lix qof ayaa la xqiijiyey inay ku dhinteen, in ka badan 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax iyo weerar toos ah wada socday oo lala beegsaday xarunta ciidammada nabadgelyada waddooyinka amma Taraafikada ee magaalada Muqdisho subaxnimadii hore ee shalay.
Qaraxan waxa fuliyey nin watay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, halka dagaalyahan kale oo doonayey inuu xarunta taraafikada gudaha u galo ay toogasho ku dileen ciidan boolis ah oo halkaas ku sugnaa.
Hawl-wadeennada Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, ayaa warbaahinta u sheegay in cusbitaalkooda la geeyey 15 ruux oo dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen qaraxa iyo weerarka lala eegtay xarunta taliska ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee dawladda Soomaaliya.
Lixda qof ee ku dhintay weerarkaas, ayaa la sheegay inay saddex ka mid ah yihiin askar ka tirsanaa booliska Soomaaliya, labada dagaalyahan ee fuliyey weerarka iyo qof kale oo rayid ah.
“Weerarkan waxa soo qaaday laba qof oo ka tirsan Al-shabaab, waxana is-qarxiyey mid ka mid ah labadan qof, kii kalena waxa toogtay ciidammada booliska Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mr. Cabdifataax Cumar Xalane oo saxaafadda kula hadlay goobta qaraxu ka dhacay.
Xarunta ciidammada waddooyinka ee la weeraray waxay ku taal meel ku dhow Safaaradda dawladda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas oo ay xuseen inay fuliyeen xubno ka tirsan dagaalyahannadooda ku sugan gudaha caasimadda Muqdisho, isla markaana ku dileen sagaal askari oo ka mid ahaa ciidammada dawladda Soomaaliya.
Dhinaca kale, dablay hubeysan ayaa laba qof ku toogtay degmada Xamar-jajab isla shalay, iyagoo ciidanka maamulka Muqdisho sheegteen inay gacanta ku dhigeen dablaydaas.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post