X
    Categories: Warar

Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Dhismaha Baarlamaanka Britain

Araweelo News Network


London (ANN)- Weerar khasaare dhaliyay, ayaa lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Ingiriiska ee magaalada London. Kadib markii Nin gaadhi watay gaadhigiisa jiidhsiiyay dad marayay buundada lagu magcaabo Westminster ee kaabiga ku haysa dhismaha Aqalka Baarlamaanka oo xilligaa ay khudbad ka jeedinaysay Haweenayda Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May.

Qofka weerarka qaaday, ayaa gaadhiga uu watay ka dagay, wuxuuna isagoo ku hubaysan Middi ku weeraray sarkaal boolis ah, kaas oo goobta ku dhintay, iyadoo markaa kadib la dilay Ninkaa sida uu sheegay Taliyaha Booliska Britain.

Sidoo kale Haweenay ayaa la sheegay in la dilay ka hor intii aanay isku dayin in ay gudaha u gasho Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, waxaana dhimashada khasaaraha weerarkaa lagu sheegay Afar qof oo uu ku jiro qofkii weerarka soo qaaday iyo sarkaal Booliska ka tirsan.

Saraakiisha Caafimaadka, ayaa sheegay in 20 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, waxaana kumanaan ka tirsan ciidamada Booliska lagu daadiyay goobta weerarku ka dhacay, warbaahinta BBC-da ayaa baahisay muuqaallo muujinaya xaalad cabsi leh oo ka taagan wadada Westminster oo ah halka mashaqadu ka dhacday, isla markaana ka mid ah goobaha ugu muhiimsan London.


Xukuumadda Britain, waxay weerarkaa ku tilmaantay inuu ahaa mid ‘Argagaxiso’, balse ma jirto cid sheegatay ilaa hada weerarkaa oo cabsi iyo xaalad wer-wer ah abuurtay.
Haweenayda Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May oo ku sugnayd dhismaha Baarlamaanka oo doodi ka socotay xilliga weerarku dhacay, ayaa lagala cararay goobtaa.
Dalalka Maraykanka, Faransiiska iyo wadamo kale, ayaa canbaareeyay weerarkaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post