X
    Categories: Warar

Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Al-shabaab Xalay Ku Fulisay Muqdisho

Araweelo News Network

Mogadshu(ANN)Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhimatay, waxaana ku dhaawacmay 15 kale weeraro qaraxyo ah oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa lala beegsaday beerta xuriyadda iyo hoteelka SYL, oo ku dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye baabuurta weerarkaasi soo qaaday waxaa lagu celiyay bar koontorool oo uu ku qarxay gaadhi xamuul ah oo waxyaabo qarxa siday.
“Askar iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay dad badan, gaadhi kale oo Afar qof siday ayaa waxa uu isku deyay inuu hoteelka galo, laakiin laamiga ayaa lagu dilay” ayuu yidhi wasiirka.
Wasiirka amniga gudaha, Cabdirasaaq Cumar ayaa dhankiisa sheegay in qarixii xalay uu ka xoog badnaa kii lagu qaaday hoteelka Jaziira sanadkii tagay.
Qaraxaasi waxa uu burburiyay dhammaan qeybta hore ee hoteelka Jaziira. Laakiin kii xalay ma uusan gaadhin hoteelka SYL.
Xuseen Wehliye Cirfo oo ah gudoomiyaha gobolka Galguduud waxa uu ka mid ahaa dadkii ku jiray masaajid ku yaalla hoteelka, wuxuuna BBC-da u sheegay in masaajidka uu dumay, firidhka gaadhiga qarxayna uu meesha ay joogeen ku daatay.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post