X
    Categories: Warar

Khasaaraha Ka Dhashay Mudaharaadyo Rabshada Wata Oo Laascaanood Ku Waaberiistay

Araweelo News Network

Laascanood(ANN)Xaalada Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa kacsan kaddib markii ay maanta halkaa ka bilaabmeen mudaharaadyo rabshada wata oo sababay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed.
Ugu yaraan Askari ka tirsan ciidanka iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay rabshadahaa saaka ka bilaamay gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool sida wararka ka imanaya xarunta gobolka Sool.
Rabshadaha ayaa ka dhashay Dilal qorshaysan oo mudooyinkan kusoo noq-noqday Magaalada Laascaanood, kuwaas oo sababay inay dadweyne cadhaysan saaka weerraraan Saldhig Ciidanka Boolisku leeyihiin, waxayna dadka dibad-baxayay khasaare gaadhsiyeen Saldhiga Booliska, iyagoo gubay gaadhi ay leeyihiin ciidamada booliska Somaliland. Sida ay sheegeen warar kala duwan oo Shebekada Araweelo News Network ka heshay halkaa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaalada magaaladu maanta gelinkii danbe deganayd, kadib markii Ciidanka Milaterigu la wareegeen xaalada amaanka, balse laga cabsiqabo inay rabshada kale ka dhacaan magaalada.
Laascanood, ayaa sanadihii u danbeeyay xaalada amaankeedu isa soo tarayay, kaddib sanado badan oo ay hadheeyeen magaalada dilalka qorshaysan oo ay ka fulin jireen kooxo aan haybtooda la aqoosan, balse lala xidhiidhin jiray kooxaha ka dagaalama Somalia.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post