X
    Categories: Warar

Khasaaraha ka Dhashay Laba Qarax oo Muqdisho ka Dhacay

Araweelo News Network


Mogadishu (ANN)- Ugu yaraan lix askari oo ka tirsanaa ciidammada dawladda taagta daran ee Soomaaliya, ayaa lagu dilay qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay oo la eegtay bar-kontorool oo ku taal duleedka magaalada Muqdisho gelinkii dambe.
Sidoo kale, in ka badan 10 qof oo carruur yaryar ku jiraan ayaa ku dhaawacmay qaraxa miinadaas oo lagu dhex aasay gudaha maqaaxi wax laga cuno oo la sheegay inay aad u fadhiistaan ciidanka maamulka Muqdisho ee ku sugan Ex-kontoroolkii hore ee Afgooye.
Dhinaca kale, hal askari ayaa ku dhintay, ilaa 7 ruux oo u badan rayidna way ku dhaawacmay qarax aad culus loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo lala beegsaday makhaayad lagu magacaabo The Village oo ku taal badhtamaha magaalada Muqdisho subaxnimadii hore.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa labaad waxa sida la sheegay ku jira laba suxufi iyo xubno ka mid ah ilaalada shirkad ganacsi gaar loo leeyahay oo ku dheggan makhaayaddaas oo ku dhow Guriga Hooyooyinka ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Warku waxa uu intaa ku daray, in bartilmaameedka weerarku ahaa kolonyo ciidan uu horkacayey Taliyaha Saldhigga Booliska Waliyow Cadde ee magaalada Muqdisho Col. Maxamed Daahir, balse uu gaadhiga qaraxa loo adeegsaday oo xawaare sare ku socday uu qallibmay ka hor intii aannu gaadhin gaadiidka kolonyada ah.
Qaraxyada khasaaraha nafeed ee kala duwan dhaliyey, ayaa ku soo beegmay xilli ay magaalada Muqdisho ku socdaan diyaargarow xooggan oo loogu doorashada shirguddoonka baarlamanka cusub ee Soomaaliya loo dhisay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post