X
    Categories: Warar

Khasaaraha Ka Dhashay Kaniisad Ku Taal Dalka Maraykanka

Araweelo News Network

Texas(ANN)-Saraakiisha maamulka  gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ugu yaraan Lix Iyo labaatan qof lagu dilay kaniisad ku taala magaalada Sutherland Springs ee gobolkaasi, kadib markii uu rasaas ku furay nin hubeysan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in shan iyo labaatan qof oo kale ay ku ku dhaawacmeen weerarka.

Magaalada uu weerrarku ka dhacay, waxay qiyaasti konton kilomitir dhanka koonfur bari kaga beegan tahay magaalada San Antonio. Booliska gobolka Texas, ayaa warbaahinta maxaliga ee dalkaasi uu sheegay in raggii weerarka geystay la dilay, waxaana la arkayay muuqaalo muujinaya ciidamada ammaanka oo soo buux dhaafiyay goobta uu weerrarku ka dhacay.

Gaadiidka gurmadka degdega ah iyo  kuwa dab-damiska, ayaa sidoo kale soo gaadhay goobta.

waxaana soo baxaya warar sheegaya in dadkii halkaasi ku sugnaa lasoo daad gureeyay. Badhasaabka gobolka Texas Mr Greg Abbot ayaa sheegay in hadda la tacaalayaan xaalada.

warar kale oo soo baxay, ayaa sheegaya in gaadhigii lagu fuliyay weerrarka oo baxsaday ay eryadeen, balse uu qalibmay gaadhiga weerrarka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post