X
    Categories: Warar

Khasaaraha Dhimasho Ee Ka Dhashay Roobab Dabalylo Watay Oo Ka Da’ay Galbeedka Somaliland Iyo Xukuumadda Diyaarinay Gurmad

Araweelo News Network

Muuqaalka Biyaha fadhiistay xaafadaha magaalada Boorama

Boorama(ANN)-Roobaka dabalaylaha wata oo ka da’ay deegaamada Somaliland, ayaa Khasaare nafeed ka geystay deegaamada galbeedka Somaliland ee gobolka Awdal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxman Axmed Cali ayaa sheegay in ilaa shan iyo toban qof ay ku dhinteen daadad iyo roobaba dabaylo watay oo ku dhuftay 24-kii saac ee la soo dhaafay degaanno ka tirsan gobolka Awdal.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay deegaamada ay ka mid yihiin Lughaya iyo Baki ee gobolka Awdal, wuxuuna xusay in roobabka dabaylaha watay ay Sidoo kale waxyeeleen deegaanada qaarkood oo daadadku la qaaday Beero badan oo ku yaaalay deegaankaa oo kala tageen saraacii iyo agabkiiba.

Dhinaca kale, waxa Jira  warar sheegaya in xoolo badan oo Adhi iyo Geel u badan roobabka dabalylaha watay ay dileen kadib matkii ay ku dardhadeen qabaw roobabku sababeen.

Roobabka oo maalmihii u danbeeyay ka da’ayay deegaamada Somaliland, ayaa inta badan saamayn ku yeeshay dadka deegaamada xeebaha Somaliland ee galbeedka Iyo Bariga, iyadoo Magaalada Berbera ee kulaalaya Xeebta Badda Cas ay ku dileen hal qof, Isla markaana boqolaal Qoys laga daadgureeyay guryihii ay deganaayeen.

Sidoo kale Magaalada Saylac oo ka mid ah Magaalooyinka Somalikand ee dhinaca galbeedka ee kulaalaya Badda Cas, ayaa  roobabku sababeen in dadkii lga daadgureeyo, balse ma Jiro  wax Khasaare ah oo laga soo sheegay, waxaase Jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dooxyada ku dhow Magaalada Saylac Daad  ku qaaday gaadiid .

 

Dhinaca degmada bullaxaar iyo ceel-sheekh, ayaa  laga soo sheegayaa Guryo  badan oo uu roobku dumiyee  iyo xoolo ku dhintay, waxaana Jira  gurmad ay wadaan xukuumada somaliland iyo hay’addaha  caalamiga ah, iyadoo ay j haatan la bilaabay in la gaadhsiiyo gurmadkaa dadweynaha khasaaruhu ka soo gaadhay roobabka iyo daadadka ee deegaamada Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post