X
    Categories: Warar

‘Khariidada Siyaasadeed ee Somaliland Way is Beddelaysaa, Waqtiguna wuu is Gurayaa’ Ismaaciil Buubaa

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)-Mr. Ismaaciil Hure Buubaa oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in ku biiristooda xisbigaasi ay beddeli doonto khariidada siyaasadeed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Mr. Ismaaciil Buubaa oo hadal ka jeediyey xaflad xisbiga WADDANI u sameeyey taageerayaal haween ah oo ku biiray, kana soo jeeda degaannada koonfurta Hargeysa, waxa uu tilmaamay inay ka shaqayn doonaan sidii wax-garadka reer Somaliland oo dhan ugu biiri lahaayeen WADDANI.
“Way caddaatay arrin aannu hore u sheegnay in ku biiristii aannu ku biirnay WADDANI ay noqonayso mid beddela khariidada siyaasadeed ee Somaliland…shaqaduna waa bilaw, geeddiguna wuu socon doonaa, waxaynanu ka shaqayn doonaa dumarka Somaliland oo dhan inay isugu yimaadaan WADDANI, dhallinyarada iyo wax-garadka Somaliland oo dhan inay isugu yimaadaan WADDANI,” ayuu yidhi siyaasiga Ismaaciil Buubaa.
Waxa kaloo uu ka hadlay inay doonayaan sidii ay Somaliland uga badbaadin lahaayeen boobka iyo dhaca hantida ummadda.
“Somaliland waxay u baahan tahay badbaad, waxayna u baahan tahay boobka iyo dhaca lagu wado in laga badbaadiyo iyo been aan dhammaanayn oo xisbiga KULMIYE ku shaqaysanayey, waqtigaasina wuu dhammaaday, khariidada siyaasadeed ee Somaliland way is beddelaysaa, mana doonayo in aan arrinta ku sii dheeraado, waqtiguna wuu is gurayaa,” ayuu yidhi Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post