X

Kenya: Raila Odinga Oo Bulshada gobolka iyo Caalamka Ugu Baaqay In Ay Si degdeg ah U Caawiyaan Dib u Dhiska Suuqa Waaheen

Raila Odinga, Image file Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Raila Odinga Oo Bulshada gobolka iyo Caalamka Ugu Baaqay In Ay Si degdeg ah isugu Yimaadaan Si Ay U Caawiyaan dib u dhiska Suuqa Waaheen

Safiirkaii hore ee Somaliland u joogay Kenya Maxamed Jaamac Sifir, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda, Xirsi Cali X. Xasan iyo Ra’iisal-wasaarihii hore ee Kenya Mr. Raila Odinga. Photo file By. Araweelonews.com

Nairobi(ANN)-Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya ee Raila Odinga, isla markaana ah siyaasi caan ah oo hore usoo noqday ra’iisal wasaaraha dalkaa, ayaa si murraga ah uga hadlay khasaaraha ka dhashay suuqa ganacsiga ugu weynaa Hargeysa ee Waaheen oo dab qabsaday habeenkii Sabtida.

Siyaasiga Odinga, wuxuu ku tilmaamay suuqa mid tiir dhexaad u ahaa dhaqaalaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Raila Odinga, wuxuu qoraal kooban oo bartiisa Twitter uu soo dhigay ku sheegay in suuqa gubtay ahaa Ubucda dhaqaalaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu sheegay in Muqaallada ka soo baxaya suuqa furan ee Hargeysa oo ahaa tiir-dhexaadka dhaqaalahooda iyo Ubucdii ganacsiga.

“Waxaan u ducaynayaa shacabka Somaliland. Bulshada gobolka iyo caalamka waa inay si degdeg ah isugu yimaadaan si ay uga caawiyaan dib u dhiska magaaladaada Hargeysa. Waad sara kici doontaa! Ayuu ydihi, Raila Odinga.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post