Araweelo News Network
Nairobi(ANN)Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay dileen madaxii sirdoonka Al-shabaab kadib weerrar ay ku qaadeen koonfurta Soomaaliya.
Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ay soo saartay wasaaradda difaaca Kenya oo sidoo kale ku sheegtay qoraalkeeda in toban kale oo taliyayaal lala dilay Mahad Karate, kaasoo la aaminsan yahay inuu qayb wayn ka qaatay weerarkii saldhiga ciidamada Kenya ee Soomaaliya ee Bishii hore oo aha a weerrarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay ciidaadda Kenya la kulmaan mudadii ay ku jireen gudaha Somalia.
Weerarka cirka ee Kenya ku qaaday Al-shabaab, ayaa la qaaday toban maalmood ka hor, waxaana uu ka dhacay Xero u dhexeysa degmooyinka Bu’aale iyo Saakoow ee Wilaayada Jubooyinka, laakiin faahfaahinta sheegashada dilka taliyayaasha Al-shabaab ayaa hadda soo baxday.
Milatariga Kenya waxay sheegeen in dagaalyahanka Mahad Karate uu joogay Xero ay tababar ku dhamaysanayeen tobanaan Al-shabaab oo ay ku jiraan qaar kamid ah kuwa loo carbiyo fulinta qaraxyada.
Hase yeeshee Al-shabaab ayaa beenisay in la dilay Mahad Karate, waxayna Al-Shabaab waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal maanta kasoo yeedhay dowladda Kenya oo ay ku sheegatay in duqeyn diyaaradahooda ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya ay ku dileen Mahad Karte iyo saraakiil kale oo sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Kenya uu ka mid ahaa Hogaamiye ku xigeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo madaxa Guutada Sirdoomnka “Amniyaatka”.ka tirsan.
Afhayeenka ciidanka Al-shabaab u hadlay oo magaciisu yahay Sh. Cabdul Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacada Islaamiga Andalus ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka ka soo baxay dowladda Kenya, wuxuuna sheegay in aanay jirin Saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan xarakada Al-shabaab oo lagu beegsaday ama lagu dilay duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Dowladda Kenya.
“Waa War aan sal iyo raad midna la lahayn hadalka ka soo yeedhay Dowladda Saliibiga ah ee Kenya, Mana jiro masuul ama Sarkaal ka tirsan Mujaahidiinta oo ay dileen.,Warkaasna wuxuu u muuqdaa in uu yahay mid loogu laab qaboojinayo bulshadooda oo weli la walaacsan xasuuqii ciidamadooda loogu geystay weerarkii Ceel-cadde” ayuu yidhi Abuu Muscab.
Sh. Cabdul Casiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Kenya uu ka buuxo warar iskhilaafsan oo isburinaya sababtoo ah waxay sheegeen in weerarkii Ceel-cadde ay fulisay Katiibada Ashahiid Abu Zubayr, Iyadoo xaqiiqdu ay tahay in howlgalkaas ay fulisya Guutada Ashahiid Saalix Nabhaan.
Sidoo kale waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in ay dileen Nin lagu magacaabo Cabdi Deeq oo ay ku sheegeen in uu ahaa ninkii hogaaminayey weerarkii Ceelcadde, halka bishii la soo dhaafayna ay sheegteen in ay dileen Sarkaal lagu magacaabo Macalin Janow oo ay sheegeen in isna uu ahaa ninkii hogaaminayey weerarkii Ceel-cadde.
Marka laga yimaado wararka kasoo baxay labada dhnac ma jraan warar madaxbaaan oo sheegaya sida ay wax uga jraan weerrarkàa iyo jiritaankiisa.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347