X
    Categories: Warar

Kenya oo Shaacisay in Dagaalyahanno Al-shaab ah Gudaha Dalkooda Galeen

Araweelo News Network

Nairobi(ANN) Booliska dawladda Kenya ayaa soo bandhigay magacyada iyo sawirrada illaa 8 dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab oo maalmihii la soo dhaafay galay gudaha dalkooda, kuwaas oo laga cabsi qabo inay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ka fuliyaan weerarro khasaare culus geysta.
Masuuliyiinta laamaha ammaanka Kenya oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Nairobi shalay, ayaa sheegay in xubnaha Al-shabaab ee dalkooda galay ay 3 qof waxgarad Kenyaan ah ku dileen degaanka Kawaale oo ku yaal Gobolka Woqooyi-bari.
Dagaalyahannada ayaa la sheegay markii dilka saddexdaas qof fulinayeen inay wateen mooto, kadibna degdeg uga baxeen degaankaas.
Sarkaal u hadlay booliska Kenya, ayaa sheegay in siddeeda dagaalyahan ee gudaha dalkooda galay ka soo carareen hawlgallada culus ee ciidammada AMISOM ku bartilmaameedsadaan saldhigyada Al-shabaab ku leeyihiin waddanka Soomaaliya.
Waxa uu intaa ku daray sarkaalku in ciidammada ammaanka ee Kenya ka feegan yihiin weerarro argagixiso oo la damco in gudaha dalkaas laga fuliyo, balse waxa uu xusay in dadweynaha reer Kenya looga baahan yahay taxadar weyn si ay uga badbaadaan weerarro khasaare xooggan dhaliya oo kooxda Al-shabaab ka geystaan magaalooyinka waddankooda.
Dhinaca kale, Booliska Kenya ayaa si gaar ah uga digay shacabka ku nool degaannada dhaca xadka waddankoodu la wadaago Soomaaliya, kuwaas oo loo baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo lagaga hortago weerarro dagaalyahannada Al-shabaab la beegsadaan, gaar ahaan bisha Ramadaan oo maalmo kooban ka hadhsan yihiin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post