X
    Categories: Warar

Kenya oo ka Walaacsan in Ciidan Badan oo Laga Qabsaday la Saftaan Al-shabaab

Araweelo News Network

Nairobi (ANN)- Dawladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujisay in askar badan oo ciidankooda ka tirsnaa oo ku jira gacanta Al-shabaab loo adeegsado weerarrada joogto ah ee dagaalyahannada kooxdaasi ka fuliyaan gudaha Kenya.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay inay cabsi weyn ka qabaan in Al-shabaab askareyneyso askar tiro badan millatarigooda ka mid ahaa oo lagu qafaashay weerarkii khasaaraha culus dhaliyey ee kooxdaasi ku qaadeen saldhig ciidankoodu ku lahaa degaanka Ceelcadde, Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya dhowr bilood ka hor.
Walaaca xukuumadda Nairobi ayaa yimi kadib markii la helay xog ku aaddan in Al-shabab askaraynayaan ciidammo Kenyaan ah oo dhowaan u gacan galay kooxdaas, kuwaas oo baqdin weyn laga qabo in loo adeegsado weerarrada ay geystaan gudaha waddanka Kenya.
Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigay sarkaal hore uga tirsanaa bilayska dalkaas oo la sheegay inuu doonayey weerarro argagixiso ka fuliyo magaalooyinka dalkaas toddobaadkii hore.
Dhinaca kale, sirdoonka Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan dhallinyaro tiro badan dalkooda u dhashay oo Al-shabaab ka qorteen magaalada Isiolo, waxaanay walaac xooggan ka muujiyeen weerarrada sii kordhaya ee kooxdaas.
Boqollaal ka mid ah ciidammada booliska, millatariga iyo kuwa ammaanka ee Kenya ayaa la dhoobay Gobolka Woqooyi-bari iyo degaannada ku dhow xuduudka dalkaasi la wadaago Soomaaliya, si looga hortago weerarrada iyo qaraxyada Al-shabaab.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post