X
    Categories: Warar

Kenya Oo Jawaab ka Bixisay Dhawaaqii Madaxweynaha Soomaaliya Ee Askarteeda Kuna Tilmaantay Xasan Sheek Inuu u Hadlayo Al-shabaab

Araweelo News Network
“Waxay u muuqataa, tiradan uu Xasan Sheekh sheegayna ma aha kuwo si sax ah loo soo xigtay”
Afhayeenka Ciidanka Kenya

Istanbul (ANN)- Dawlada Kenya, ayaa jawaab kulul ka bixisay dhawaaq kasoo yeedhay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu shalay shaaca ka qaaday in tiro u dhexeysa 180 illaa 200 askari lagu dilay weerarkii Al-shabaab ku qaadday saldhig ciidammada Kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Ceel-cadde ee koonfurta Soomaaliya badhtamihii bishii January ee la soo dhaafay.
Dawladda Kenya ayaan illaa hadda sheegin tirada rasmiga ah ee ciidankooda lagaga dilay weerarkii saldhigga Ceel-cadde, halka Al-shabaab-na sheegteen inay weerarkaas ku dileen in ka badan 100 askari, 12 kalena nolosha ku qabteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida kula hadlay shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa markii ugu horreysay fashiliyey tirada ciidanka Kenya lagga dilay weerrarkaas oo uu ku sheegay inay gaadhayaan 200 askari.
“Weerarkii Ceel-cadde waxa Kenya lagaga dilay illaa 180 askari.

Hase ahaatee Afhayeenka Ciidanka Kenya Col. David Obonyo oo la warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi, ayaa deedafeeyey tirada Madaxweynaha Soomaaliya sheegay in ciidankooda lagaga dilay weerarkii Ceel-cadde, taas oo uu ku tilmaamay mid aan sax ahayn.

“Weli annagu kama aanaan hadal tirada khasaaraha ciidankayaga loogu geystay weerarkii Al-shabaab ku qaadday saldhigga ciidammadeennu ku sugnaayeen ee Ceel-cadde, waayo cidna ma ogaan karto khasaaraha dhabta ah ee weerarkaas ka dashay, dhibaatooyin ay geysteen kooxo kalena aniguba ma sheegi karo,” ayuu yidhi Col.Obonyo.
Waxa uu intaa ku daray, “Waxay u muuqataa inuu Madaxweynaha Soomaaliya u hadlayo ururka Al-shabaab, tiradan uu Xasan Sheekh sheegayna ma aha kuwo si sax ah loo soo xigtay.” Col.Obonyo.
oo ah sarkaalka u hadlay Milateriga Kenya.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post