X
    Categories: Warar

Kenya oo Dib u Eegaysa inay Ciidankeeda Kala Baxdo Soomaaliya

Araweelo News Network
Nairobi (ANN) Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, ayaa shaaca ka qaaday in dawladdiisu dib u eegayso qorshe lagaga tashanayo inay ciidankooda kala baxaan waddanka deriska ah ee Soomaaliya iyo in kale.
Mr. Uhuru oo ergo ka tirsan Qarammada Midoobay kulan kula yeesha magaalada Nairobi maalintii Sabtida, waxa uu sheegay in qoondada kharashka ku baxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya aannu ku filnayn ciidammada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.
“Ka mid ahaanshaha dalalka ku jira hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ciidankayaga ka tirsan Midowga Afrika kama helaan taageerada ay uga baahan yihiin dhinacyada ilaha iyo qalabyada, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Qarammada Midoobay inay doorkeeda labanlaabto,” ayaa yidhi Madaxweynaha Kenya.
Sidoo kale, warbixin ka soo baxday Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa lagu yidhi; “Kharash-dhimistii dhawaan lagu sameeyey taageerada EU ee AMISOM ayuu Madaxweyne Uhuru sheegay in doorka Kenya keliya uu yahay inay dib u tixgeliso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya iyo in kale.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya waxa uu deedafeeyey eedaymo ciidanka dalkiisa ee jooga Soomaaliya loogu jeediyey ganacsiga sharci-darrada ah ee dhuxusha.
Kenya ciidan gaadhaya 3,664 askari oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM ayaa ka jooga Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka AMISOM, kuwaas oo badankoodu ku sugan gobollada Jubbooyinka oo ku dhow xuduudka labada dal wadaagaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post