X
    Categories: Warar

Kenya Oo Dafirtay In Dalkeeda Uu Ka Jiro Cudurka Bariinsaday Dalalka Galbeedka Afrika Ee Ebola

Nairobi(ANN)-Xukuumadda dalka Kenya,  ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqday kaddib baadhitaan deg deg ah oo ay sameeyeen laamaha caafimaadka dalkaas ay ku ogaaday cudurka Ebola  aanu ka jirin dalkeeda.

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Sicily Kariuki,  ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in haweeneyda la tuhmay ayna qabin cudurka Ebola iyo weliba cudurada kale ee dhiig baxa keena.

Haweeney 36 jir ah oo la dhigey Cusbitaal ku yaal magaalada Kericho, ayaa lagu tuhmay inay qabto cudurka Ebola,  iyadoo ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalka Uganda.

“Wasaarada Caafimaadka waxa ay u xaqiijineysaa shacabka in aan diyaar u nahay sidii loogaga hortagi lahaa cudurka Ebola iyo tallaabooyin loogaga jawaabayo sidaa darteed ma jiro wax cabsi ah,”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka dalka Kenya.

Dadka ku nool Kericho,  waxaa soo wajahay khalkhall dhinaca caafimaadka ah,  iyadoo dadka ku nool deegaankaa ay wadnaha farta ku hayeen,  iyagoo ka baqayay in cudurka uu ku faafo magaaladaa.

Guud ahaan marka la eego cudurka Ebola,  ayaa hadda u muuqda mid wadnaha farta looga hayo dalal badan oo ka mid ah qaaradda Africa.

Halkan Ka Akhri: Hay’ad Caalami Ah Oo Ka Digtay In 28 Dal oo Somaliya ku Jirto Ka Dilaaco Cudurka Ebola Ee Halista Ah
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post