Nairobi(ANN)-Xukuumadda dalka Kenya, ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqday kaddib baadhitaan deg deg ah oo ay sameeyeen laamaha caafimaadka dalkaas ay ku ogaaday cudurka Ebola aanu ka jirin dalkeeda.
Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Sicily Kariuki, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in haweeneyda la tuhmay ayna qabin cudurka Ebola iyo weliba cudurada kale ee dhiig baxa keena.
Haweeney 36 jir ah oo la dhigey Cusbitaal ku yaal magaalada Kericho, ayaa lagu tuhmay inay qabto cudurka Ebola, iyadoo ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalka Uganda.
“Wasaarada Caafimaadka waxa ay u xaqiijineysaa shacabka in aan diyaar u nahay sidii loogaga hortagi lahaa cudurka Ebola iyo tallaabooyin loogaga jawaabayo sidaa darteed ma jiro wax cabsi ah,”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka dalka Kenya.
Dadka ku nool Kericho, waxaa soo wajahay khalkhall dhinaca caafimaadka ah, iyadoo dadka ku nool deegaankaa ay wadnaha farta ku hayeen, iyagoo ka baqayay in cudurka uu ku faafo magaaladaa.
Guud ahaan marka la eego cudurka Ebola, ayaa hadda u muuqda mid wadnaha farta looga hayo dalal badan oo ka mid ah qaaradda Africa.