X
    Categories: Warar

Kenya Oo Bilawday Daabulka Qoxootiga Soomaliada Ee Ku Sugnaa Dalkeeda

Araweelo News Network
Nairobi(ANN)Dowladda Kenya ayaa bilowday qorshe ay dooneyso inay dib ugu celiso Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada qaxootiga Dhadhaab, iyadoo qaxootiga ay si iskood ah u laabanayaan.

Waxaana la bilaabay is diiwaan gelinta qaxootiga, kuwaas oo u diyaar garoobaya sidii ay dalkooda dib ugu laaban lahaayeen.

Hey’adda UNHCR ayaa sheegtay in qorshaha dib u celinta uu si rasmi ah u bilowday maalinimadii shalay, iyadoo la fulinayo heshiiskii saddex geesoodka ahaa, kaasoo dhigaya in si aan qasab aheyn loo celiyo qaxootiga.

Sidoo kale UNHCR ayaa sheegtay in qaxooti Soomaaliyeed oo gaadiid looga qaaday xerada qaxootiga Dhadhaab la geeyay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in qorshaha dib u celinta qaxootiga aanu aheyn mid qasab ah, isla markaana dib u celinta ay u dhici doonto qaab nabdoon.

Qaxootiga ayaa si iskood ah u go’aansaday inay dalkooda dib ugu laabtaan, kadib muddo labaatan sano ah oo ay ku sugnaayeen xerada qaxootiga.

Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowaan isku afgartay in dib u celinta qaxootiga loo maro heshiiskii saddex geesoodka ahaa, waxaana dowladda Kenya ay ka laabatay go’aankeeda ahaa inay xoog dadka qaxootiga loogu celiyo dalkooda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post