X
    Categories: Warar

Kenya: Maxkamadda U Sarraysa Oo Laashay Natiijada Doorashada Madaxweynaha Ee Muranka Dhalisay Iyo Jawaabaha Laga Bixiyay Go’aankaa

Araweelo News Network

President Uhuru Kenyatta (right) and Nasa presidential candidate Raila Odinga. PHOTO | FILE | NATION MEDIA GROUP

Nairobi(ANN)-Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa laashay natiijada doorashada muranka dhalisay ee loogu dhawaaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kadib dacwad mucaardka uu Hoggaaminayo Mr. Raila Odinga diideen in lagaga guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaa.

 

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarraysa dalka David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah, isagoo go’aankaa ku sheegay in natiijada hore ay ugu dhawaaqeen guddida doorashadu yahay mid waxba kama jiraan ah.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada, isaga oo sida ay shaaciyeen  ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod.

Laakiin mucaaradka ayaa diiday natiijadaa, waxayna sheegeen  in la jabsaday hannaankii Kombiyutarada guddiga doorashada, isla markaana  laguna shubtay natiijada.

Go’aankan ayaa ah taariikh cusub oo ay Kenya hoosta ka xariiqday ka dib markii ay noqotay dalkii u horreeyay ee Afrika ku yaalla ee Maxkamadi waxba kama jiraan ka soo qaado doorasho madaxweyne oo la shaaciyay natiijadeeda.

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwadda qaadayay ayaa isku raacay in lagu celiyo doorashada, iyaga oo sheegay in doorashadii 8 August 2017,  ay ahayd mid aan  u dhicin si waafaqsan dastuurka dalka Kenya, waxayna ku sababeeyeen go’aanka ay ku laaleen natiijadaa qodobo dhawr ah oo ay ugu waaweynaayeen.

 

  1. ku dhawaad saddex meelood meel foomamka way khaldanaayeen oo qaarkood aan waxba lagu qorin, qaar isku far ayaa lagu saxeexay, qaar waxay ka yimaadeen xarrumo doorasho oo aan si rasmi ah u jirin, qaar waxaa ka muuqday natiijooyin ka duwan wadarta, sidoo kalena ka duwan natiijada  ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada, halka kumannaan kale aanay  lahayn shaanbadl, saxeexyo iyo calaamadaha khafiifka ah ee warqadaha ka dhex muuqda.

2. Shan malyan oo cod oo ku filan inay natiijada saamayn ku yeeshaan lama xaqiijin.

3. Baadhitaanka qaabka lagu galo kombiyuutarrada guddiga doorashada, maxkamadda waxay u saartay koox soo ogaatay in tiro dad ah oo isticmaalay oo aan loo fasixin ay hannaanka Kombiyuutarada gudaha u galeen, ka hor doorashada iyo ka dib doorashada.

4. In guddoomiyaha guddiga doorashada uu galiyey, kana saaray foomamka 34A.

5. In hannaanka KIEMS ee $24 Malyan joogay ee loogu tala galay in loo isticmaalo in isla markiiba toos loogu soo diro 34A si ay dhinacyada oo dhan u hubiyaan, uu ka lumay dhammaanba xarrumaha codaynta ee dalka oo dhan, sidaa darteedna tirooyinka loo soo diray Nairobi ay badidoodu yihiin kuwo aan nidaamkaas loo isticmaalin ee lagu soo diray farriinta qoraalka telefoonka gacanta.

 

Dhinaca kale markii Maxkamaddu ku dhawaaqday go’aanka lagu laalay natiijada doorashada, waxa ka hadlay Hoggaamiyaha Muraacdka Raila Odinga, isagoo yidhi, “Xukunkan waa mid noociisu nagu wada cusub yahay, wuxuuna guul weyn u yahay dadka reer Kenya oo dhan, Annagu wax kalsooni ah kuma qabno guddiga doorashooyinka sida uu haatan u dhisan yahay, run ahaantiina intooda badan waxay ahayd inayba xabsiyada ku jiraan. Sidana kuma daynayno dadkii dambiyadaas waaweyn ka galay dadka reer Kenya”.

Sidoo kale Madaxaweynaha Kenya oo khudbad ka jeediyay dadka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu ixtiraamayo go’aanka maxkamadda,  balse aanu ku qanacsanayn, wuxuuna dadka ugu baaqay inay is dejiyaan.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya, Wafula Chebukati, ayaa dhankiisa sheegay   in ay dhaqan galin doonaan amarka maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya, isla markaana ay ku celin doonaan doorashada madaxweynenimada ee Kenya.

 

Halkan Ka Akhri: Raila Odinga Oo Caddeeyey Inuu Dacwad Ka Dhan Ah Natiijadii Doorashada Geynayo Maxkamadda Sare

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post