X

Kenya: Hordhaca Doorashooyinka Loolaanka Adag Ee Odinga Iyo Ruto

Doorashooyinka Kenya oo loo dareeray Salaasadii 9 August 2022, Image Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Nairobi(ANN)- Doorashooyinka Dalka Kenya ayaa loo dareeray saaka, iyadoo uu jiro loolan adag oo u dhexeeya Raila Odinga oo ah 77-sano jir, siyaasiga rug cadaaga ah oo markii saddexaad u tartamaya doorashada madaxtinimo ee Salaasada, August 9, 2022 iyo ninka la tartamaya William Ruto, oo ah Madaxweyne ku xigeenka.

Raila Odinga oo ka socda xisbiga ODM, waa ka ugu cadcad. Ma aha oo kaliya in codbixintu ay dhawr dhibcood ka horreeyeen ninka la tartamaya “Baba”,, ee ay dadka Kenyaanku ugu yeedhaan, oo macnaheedu yahay “Aabbe”,  Ruto, waxa uu taageero ka haystaa madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta ee Xisbiga UDA, waa mid saameyntiisa oo dhan ku leh goobaha ganacsiga ee Nairobi.

Odinga muddo dheer ayuu ahaa mucaarad samiri waayay, “Waad ku mahadsan tihiin sida aad mar walba ii garab taagan tihiin sannadihii dheeraa ee loo soo halgamay xoraynta dalka Kenya, waxay ahayd waddo dheer,” ayuu yidhi, Sabtidii, isagoo ka hadlayay isu soo baxkiisii ​​ugu dambeeyay ee garoonka Kasarani, ee magaalada Nairobi, halkaas oo ah goobta uu ka dhacay dagaalladii sokeeye ee waqtiyo taariikhi ah oo siyaasadda Kenya soo maray dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.

Guddida Doorashooyinka ayaa sheegay in ay is diiwaangeliyeen 22, 123, 418, kuwaas oo ah cod bixiyayaasha doonayay in ay codkooda dhiibtaan doorashooyinka, sidoo kale, goobaha cod-bixinta ayaa ah 46,000, halka ay degmooyinka doorashooyinku yihiin 47 degmo, iyadoo doorashada Madaxweynaha ay ku jiraan mudanayaasha iyo guddoomiyayasha.

Sidoo kale, guddida doorashooyinka ayaa sheegay in sannadkan ay ka qayb qaadanayaan doorashooyinka qurabjooga ku nool 12 dal, kuwaas oo ah muwaadiniinta ku sugan dalalkaa ee qurabajooga Kenya, kuwaas oo ka qayb qaadanaya doorashooyinka loo dareeray maanta oo taariikhdu tahay August 9, 2022.

Goobaha codbixinta ayaa la xidhay 5 galabnimo ee xilliga Afrikada Bari, sida ay sheegeen Guddida doorashooyinka ee Kenya oo loo sooo gaabiyo IEBC, balse meelaha qaar ayaa la kordhiyay xilliga hore loogu qoondeeyay in la xidho sababo macquul ah.

Guud ahaan doorashooyinka ayaa si nabad ah u socday, marka laga reebo goobo rabshado ka dhaceen, gaar ahaan gobolka xeebta ee Banbasa iyo meelo kale, waxaana la xidhay dhawr qof oo ay Boolisku ku eeddeeyeen in ay sameeyeen rabshado.

Codadka ilaa xilligan la tiriyay ayaa noqonaya 6.5 million.

Raila Odinga – 52.72% (10,609 votes)

William Ruto – 46.85% (8,228 votes)

George Wajackoyah- 0.32% (60 votes)

David Waihiga-0.15% (28 votes)

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post