X
    Categories: Warar

Kenya: Dambiilayaal Hore Loo Xukumay Oo Xabsiga Laga sii Daynayo si Booskooda Loogu Beddelo Dadka ku Kaca Musuq-maasuqa

Araweelo News Network

Nairobi(ANN)Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, ayaa amray in la sii daayo maxaabiis tiradoodu dhan tahay 7,000 (toddoba kun) maalintii Khamiista si xabsiyada loogu faaruqiyo dambiilayaasha lagu helo in ay musuqmaasuq ku kaceen.
Madaxweyne Kenyatta waxa go’aankan kaga dhawaaqay Xuska Maalinta Halyeeyada Qaran (National Heroes’ Day), isagoo xusay in dambiilayaasha la cafinayo ay yihiin qaar dambiyo fudud galay, isla markaana wax yar ka hadhsan tahay muddada xukunkooda.
Xarunta Adeegga Xabsiyada Kenya, ayaa sheegtay in 118 jeel oo dalkaas ku yaal lagu hayo maxaabiis dhan 56,000 maxbuus, taasoo macnaheedu yahay in maxaabiistani ku labanlaabmayaan awoodda qaadka loogu talogalay xabsiyadan.
Kulamo dhawaan lagaga hadlay sidii loola tacaali lahaa musuqmaasuqa xadhkaha goostay oo hadheeyey hay’adaha dawladda ee Kenya, ayaa Madaxweyne Kenyatta ka sheegay inuu xabsiyada sii bannayn doono, garsoorayaashana u oggolaan doono in ay xabsiga u diraan qof kasta oo musuq lagu qabto, arrintaasoo qayb ka ah dagaal xooggan oo dawladdu ku doonayso cidhibtirka aafadaas.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post